Waxaa Maanta oo Taariikhdu ahayd 25 May,2012, Xafiiska Ra’iisulwasaraha Dowlada Mauritius Heshiis ku kala Saxiixday Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo ladagaalanka Burcadbadeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mauritius Dr. Arvin Boolell.
Heshiiskan ay Maanta Kala Saxiixdeen Labada Dhinac ayaa ku Saabsanaa Maxkamadeynta Burcad badeedka Soomaaliyeed iyo soo wareejinta Maxaabiista Burcad Badeeda lagu Maxkamadayyo Dalka Mauritius.
Ra’iisulwasaaraha Mauritius H .Navin Ramgaleen oo Martiqaad u Sameeyey Wasiirka Dekedaha ,Gaadiidka Badda iyo Ladagaalanka Buracad Badeedka Eng. Siciid Maxamed Raage iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Dawladda Puntland G. Cali Nuur Cumar.
Masuuliyiinta Puntland ee Casumaada Ka helay Dowlada Maurituis ayaa isla Maanta booqday xabsiga lagu hayo Maxaabiista Burcad badeedka Somaliyeed.
Booqashadaasi ka dib ayaa Waxaa galabnimaddii Maanta la isugu yimid Shir ka Dhacay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dowlada Mauritius Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Kala ah :
1. Wasiirka aArimaha Dibada ee Mauritius Dr. Arvin Boolell iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha Debedda ee Dalka Maurituis, Dr, Raaween iyo Shaqaalaha Wasaaradda.
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Mauritius Mrs. K.O. Fong ee Xafiiska Raisal Wasaaraha, iyo Xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Raisal Wasaaraha Dalka.
3. Xeer-Ilaaliayaha Guud ee ee Mauritius Mr. Dabee iyo Xubno kale oo Dawladda Mauritius ah.
Waxaa kaloo ka qayb galay Shirkaan Xildhibaano ka Socda Dowlada Mauritius, Safiiro ka kala socday Beesha Caalamka, Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Arrimaha Burcad Badeedka Soomaaliya ee Dhanka Sharciyada Ambasadoor Thomas Winkler iyo Christine oo iyaduna ka socotay Midowga Yurub iyo Hay”ada UNODC oo ah hay’ada kala Shaqeysa Dhanka Xabsiyada labada Dowladood ee Mauritius iyo Puntland.
Wada hadal dheer ka dib waxay labada dowladood kala saxiixdeen heshiis gaaraya ( 15) qodob kaas oo dhaqan geli doono Markii dowlada Puntland loo dhammeystiro Dhamaan Xabsiyaddii iyo adeegyadii kale xabsiyadu u baahnaayeen Burcadbadeeda Soomaaliyeed lagu hayn lahaa, iyo sidoo kale dowlada Mauritius dhameystirayaan maxkamadiii iyo xabsigii Maxaabiista Burcad badeeda Soomaaliya, kaas oo ay maalgelisay Midowga Yurub.
Markii shirku soo gabagaboobay dowlada Mauritius waxay ka balanqaaday inay Dowlada Puntland ka Caawinayso Dhanka Tababarada Ciidanka Xabsiyada iyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Waxaa kala la filayaa in dhowaan dowlada Mauritius ay heshiis noocan oo kale ah ay la saxiixato Dowlada Federaalka Kumeel Gaarka ah iyo Somaliland.
Ka dib Markii Heshiiskaasi Dhamaaday ayaa labada dhinac Waxay Saxaafada usheegeen inay Wada Shaqayn Buuxda Kala Saxiixdeen.
Maahan Markii ugu Horaysay oo Wasiirka Dekedaha,Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcadbadeeda Puntland uu Heshiis noocan oo Kale ah la Galo Dowladaha Caalamka ,Balse Wuxuu heshiis kan Mid ah lagalay Dowladaha Seychelles iyo Maldives sanadkii hore.
Riix Halkan Si aad u daawato Sawiro badan.
Daalacatey :510