Munaasabadan uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta isgaarsinta hidaha iyo dhaqanka Puntland Maxamud Caydiid iyo ku xigeenkiisa oo lagu qabtay xarunta wasaarada waxaa ka soo qagalay shaqalaaha wasaarada qaar ka mid ah madaxda shirkadaha isgaarsiinta abwaano iyo marti sharaf kale .
Inkasta oo uu madasha ka maqnaa wasiirkii hore ee warfaafinta waxaa wasiirka cusub iyo wasiir ku xigeenkiisa ku wareejiyay xilka wasiir ku xigeenka koobaad ee wasaarada kowaad w warfaafinta C/laahi Maxamed Faarax Aswad waxaana uu u sharaxay sida wasaaradu u shaqayso in hantida warbaahineed ee wasaarudu leedahay, waxaana uu sheegay in wasaaradu ka koobantahay sadex qaybood oo kala warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqan ayna leedahay sadex xarumood gobolada Puntland oo dhan ay u joogaan isku duwayaal wasaarada ka socda gobolada ay jogaana u qaabilsan wasaarada warfaafinta isgaarsiinta hidaha iyo dhaqan Puntland
wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta isgaarsinta hidaha iyo dhaqanka Puntland Maxamud Caydiid Dirir oo madasha hadal dheer ka jeediyey waxaa uu sheegay in uu wax badan qaban doono islamarkaana uu ku haminayo in waasaradu ka mid noqoto wasaaradaha ugu horeeya Puntland ee ka soo baxa shaqadooda, shaqaalaaha wasaarada iyo madaxdooduna ay yeelandoonan kulamo todobaad layaal ah iyo kuwo bilayaal ah si dib loogu eego waxyaabihii u qabsoomay wasarada howlaha wajibaayadii ay u xilsaarnaaye ayna u u soo baxaan shaqaale wasaareed oo halmeel u jihaysan howlaha horyaalna ay habsimi ugu qabsoomaan
Dhanka kale waxaa uu xusay in wariyaasha xoriyadooda ay ilaalindoonan ayna la qaadan doonan kulamo looga hadlayo waajibaadyada saran suxufiyiinta iyo waasarada si loo hello sharci u dhaxeeya wasaarada iyo suxufiyiinta isla markaana kulamo laysugu yimaado si isku duubni logu wada qabto shaqada ka dhaxaysa bahda warbaahinta iyo wasaarada war faafinta Puntland
Tan iyo markii xilka qabtay madaxwayne Faroole waa wasiirkii afaraad ee wasaarada war faafinta oo lagu tiriyo wasaaradaha ka gaabiska ah .
Wasiirka cusub waxa uu xilka la wareegayaa xili Puntland ay markii u horaysay isu diyaarinayso in ay yeelato idaacad iyo tv sidaasi oo jirtana ilaa iyo hada ma jirto siyaasada lagu hago warbaahinta waxaana Puntland ka howl gala warbaahin badan oo madax banaan waxa ugu horeeya wasiirkan horyaalana waa in uu soo saaro xeerkii kala xadayn lahaa warbaahinta dowlada iyo tan madaxa banaan.
Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe