Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane Cali Cabdllaahi Warsame ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-7-2015 lagu dhaariyey aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe.

Garsoore Aadan Cumar Maxamed oo katirsan Maxkamadda sare ee Puntland ayaa wasiirka cusub ee Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta ee Puntland u dhaariyey xilka loo dhiibay , isagoona Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey .

Dhaarta kadib ayuu madaxweynuhu waxaa uu Alle uga baryey wasiirka cusub in xilka uu u dhaartay uu u fududeeyo, isagoona kula dardaarmay in su hufan oo daacadnimo ku dheehantahay u guto waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka , Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland Mudane Cali Cabdllaahi Warsame ayaa isna dhankiisa madaxweynaha uga mahadceliyey xilka uu u igamaday , waxaana uu balan qaaday inuu sii wadayo howlaha shaqo ee ay shacabka reer Puntland u hayso wasaaraddda deegaanku.