Wasiirka wasaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka wasaaradaas ka dib xaflad ka dhacday xarunta wasaradaas.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka Dr Saadiq Eenoow ayaa ku wareejiyay xilka wasiirka cusub Dr C/naasir Cismaan Ciise,  waxaana goobta ku sugnaa masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda arimaha Deegaanka Puntland.

Saadiq Eenoow wasiirkii hore ee wasaaradda Caafimaadka ayaa goobta ka sheegay in uu ku faraxsan yahay xil wareejitan isagoo tilmaamay in wasiirka cusub uu xambaarayo masuuliyadii wasaaradda, isagoo ka codsaday shaqaalaha wasaaradda in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub,

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay Dr C/naasir  Cismaan Ciise ayaa isagana u mahadceliyay wasiirkii hore isagoo sheegay in uu ku rajo weyn yahay in uu halkaas ka sii wadi doono howlahii uu wasaarada ka qabtay wasiir Eenoow.

Dhageyso warbxiin faah faahsan oo ay garoowe ku diyaarisay wariye Bishaaro C/casiis.

SAWIRO
IMG_0956 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1