Waxaa maanta lagu qabtay  xarunta Wasaaradda Amniga Puntland Xaflad  taasi oo ay xilikii si rasmi ah ula kala wareegayeen wasiirka cusub ee wasaarada amniga puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo Wasiirkii hore ee wasaarada amniga Gen.Yuusuf Axmed Khayr. 

Wasiirkii hore ee wasaarada amniga puntland Yuusuf Axmed khayr ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in shaqada ku wareejiyo sida uu sheegay saaxiibkiis, wuxuuna xusay Yuusuf Axmed Khayr in ay fursad tahay wasiirkaan cusub  in xiligan Wasaaradda la hoos keenay dhammaan laamihii ammaanka ee deegaanda Puntland  taasi oo aan horay u jirin, wuxuu sheegay in u wax badan qabtay uuna sameeyay Dhowr meelood oo xarumo amman ah in tii uu xilka hayay isagoona xusay in Puntland ay soo martay marxalado kala gadisan oo dhanka ammaanka ah hadana ammaanka guud ee deegaanada Puntland uu yahay Mid aad u wanaagsan loona baahanyahay in dhammaan laga wada shaqeeyo sidii ammaanka kor loogu qaadi lahaa wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in uu wasiirka iyo wasaaradaba la shaqayn doona sidii uu horayba adalka ugu shaqayn jiray.

Gen.Yuusuf Axmed khayr ayaa sheegay in Puntland at tahay meel ammaan ah balse ay jiraan buu yir “dad faafiya xumaanta guud ee deegaanda Puntland” isagoona xusay in meel ka ammaan badan Puntland aysan jiran marka la eego xilligaan lagu jiro.
Wasiirkii hore ee Amniga Puntland wuxuu aad u ammaanay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda amniga Puntland Cali Hayaan iyo Maxamuud Soofe oo uu sheegay in yihiin kuwo aqoon iyo khibrad leh dalka Iyo dadkana uga faa’iideeya si wanaagsana ugu shaqeeya .

Gen. Khaliif Ciise Mudan Wasiirka cusub ee Amniga Puntland ayaa u mahadnaqay Wasiirkii hore, waxaana uu sheegay in qoraaladii iyo nidaamkii hore ee Wasiirkii hore dajiyay la raaci doono oo aan waxba Laga badali doonin ayna ku shaqayn doonaan .

Gen. Khaliif Ciise Mudan wuxuu sheegay in aan cidna la badalin doonin laakiin ay dhici karto in la is qabto maadaama masuuliyad aakhiro iyo adduunba la ina kula xisaabtamayo ay ina saaran tahay, sidaas Awgeed yaan laga xumman waxaan doonaynaa in ay wax hagaagaan ayuu yiri.

Dhawaanta ayay ahayd markii la magacaabay wasiirka cusub ee amniga Puntland horayna loo dhaariyay wasiirkaasi cusub maantana sirasmi ah xilkii ula wareegay iyadoona xaalada ammaan deegaanada Puntland ay marayso haatan meel wanaagsan balse la xasuusta heerarkii kala gadisnaa ee ay soo martay iyadoona ay jiraan arrimo siyaasadeed oo xasaasi oo ay ugu horayo shirka dib u heshiisiinta soomaaliya oo lagu Wado in lagu qabto deegaanda puntland iyo iyaa oo ay soo dhowdahay munaasabad qiimo wayn ugu fadhida ummada reer Puntland oo ah asaaskii mamulka Puntland kuna aadan maalmo yar uun kadib.

Yuusuf Maxamed Maxamuud (Yuusuf Yare)
SBC International Garoowe