Khaliif Ciise Mudan Wasiirka cusub ee Amaanka Dowlada Puntland oo goor Dhawayda lahadlayey Warbaahinta SBC International ayaa waxa uu markii ugu horaysay Kahadlay Xilka loo Magacaabay, wuxuuna sheegay in xilka loo Dhiibay uu yahay xil Culus uuna Shacabka Ka codsanayo in ay Lashaqeeyaan .

Wasiirka Cusub ee amaanka Dawlada Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu qaadi Doono Talaabooyin Badan oo dhanka Horumarinta Amaanka ah marka uu Lawareego Xilka.

“Waxyaalaha ugu horeeya oo aan  ku Dhaqaaqi doona waxaa kamid noqonaya in aan Shacabka wax waydiino Lana yeelano Shirar si ay wada Shaqayni u dhex marto laamaha amaanka iyo Shacabka”

“Waxaanu Wax waydiin Doona Isimada, Cuqaahsa, Nabadoonada, Aqoonyahanka, si loo helo Bulsho isku xiran” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Cusub ee amniga Link hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

DHAGEYSO
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/wasiirka-cusun-ee-amniga-puntland-.mp3|titles=wasiirka cusun ee amniga puntland]

Khaliif Ciise Mudan ayaa horay waxa uu u ahaan jiray Barisamaadkii Ciidamadii cirka ee dowladii Soomaalia, wixii intaasi kadambeeyay wuxuu u weecday Dhanka Ganacsiga oo uu kujiray Ganacsatada Caanka ah ee Soomaalida .

Caawa ayaa Wareegto Kasoobaxaday Aqalka Madaxtooyada Puntland Loogu Magaacabay Wasiirka Cusub ee aminga Puntland.

Hadaba Aragtida Bulshada ee Wasiirka Cusub,

Bulsha weynta Puntland ayaa siweyn u soo dhaweeyay u magacaabista Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Arimaha Amniga Puntland iyagoona sheegay in uu Khaliif yahay nin wax ka qabankara xaalada Puntland.

Waxaa sidoo kale ay dadku sheegeen in si aad ah ay ugu kalsooni qabaan Khaliif Ciise Mudan in uu wax ka qabandoono xaalada Amaan ee Puntland, yahayna nin aqoon u leh arimaha maamulka iyo Amaanka.

khaliif Ciise waxa uu ka mid yahay raga sida weyn wax uga soo qabtay xaaladaha dalka, isagoo lagu xasuusto waxqabad balaaran oo uu ka sameeyay deegaanada Puntland, sida in uu dalka iyo dadkaba u soo waariday waxyaabo farabadan oo Faaiido u ah.

Waxa ay intaasi raaciyeen qaar ka mid ah Bulshaweynta Puntland oo la hadlay SBC in markii ay maqleen Magacaabista Wasiirka cusub ee Amniga Puntland ay ku farxeen, si weyna ay u soo dhaweynayaan lana shaqeyn doonaan.

U magacaabista Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amaanka Puntland ayaa waxay  ku soo aadaysaa xili ay taagan yihiin xaalado amaan, waxaana u yaala howl culus oo u baahan Waxqabad balaaran.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International News Desk