Wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 22-6-2015 lagu dhaariyey xafiiska Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Garsoore Aadan Cumar Maxamed oo katirsan Maxkamadda sare ee Puntland ayaa wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland mudane Saalax Xabiib Xaaji Jaamac u dhaariyey xilka loo dhiibay .

Dhaarta kadib ayaa madaxweynuhu waxaa Alle uga baryey wasiirka cusub iyo wasiirada kalaba in xilkooda uu u fududeeyo, isagoona kula dardaarmay in su hufan oo daacadnimo ku dheehantahay ugutaan waajibaadka shaqo ee horyaala.

Wasiirka cusub ee cadaaladda Diinta iyo dhaqan celinta Puntland Saalax Xabiib ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah xilka ula wareego, si uu u sii ambaqaado howlaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu wado.

 

-DHAMMAAD-