Xarunta lagu xanaaneeyo dadka dhimirka magaalada garawe oo uu gacanta ku hayo ururka wadaniga ah ee nasrulahaa  ayaa markii u horaysay xaruntooda laga biiriyey qayb isbitaal ah oo dadka xanuunka dhimirka qaba lagu daaweeyey  munaasabadii xarigaga laga jarayey  oo lagu qabtay isla xarunta oo oo ku taal dhanka bari ee magaalada garawe waxaaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka caafimaadka Puntland iyo xubno ka tirsan balamaanka Puntland oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka baramaanka Puntland iyo  marti sharaf kale.

Xaawo axmed maxamud madaxa ururka nasrulaah oo gacanta ku haya xarunta lagu xanaaneyo dadka  qaba xanuunka dhimirka ayaa ka waramaysa  ispitalka iyo qaybaha uu ka koobanyahay  waxaana ay sheegtay in uu ka koobanyahay  labo iyo toban qol oo ay sheegtay in  u diyaariyeen in ay jifiyaan dadka qaba xanuunka dhimirka isla markaana ay u kala qaybin doonana  rag iyo dumar iyo qaybo daawada dhakhaatiirta loogu tala galay.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland  dr cali c/dulaahi warsame ayaaa  uga mahad celiyey ururka nasuralaah wax qabadkooda dadka xanuunka dhimirka qaba waxaana uu sheegay in uu soo dhawaynayo cidkasata oo ka qabanaysa dhanka dhimirka iyo guud ahaanaba caafimaadka  waxaa uu sheegay in ururka nasurulaah uu qabtay howl muhiim ah oo bulshada inteeda kale ka seexatay ama aysan u soo jeedin waxaana uu balan qaaday in wasaaradiisu ay gacan siin doonto ururka nasurulaah oo mudo dheer ku howlanaa in ay wax u qabtaan dadka qaba xanuunka dhimirka.

Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Puntland mudane salad xareed cali oo ugu mbayntii madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu rajaynayo in caafimaadan dadka ku jira xarunta dhimirka isla markaana ku booriyey wasaarada caafiamadka iyo hayadaha caawiya in wax u qabtaan.

Xarunta  lagu xanaaneyo dadka qaba xanuunka  dhimirka waxaa gacanta ku hayey mudo sided sano ah ururka wadiniga ah ee nasurulaah iyadoona maanta markii u horaysay laga hirgaliyey  ispitalka lagula tacaali doono daawaynta dadaka qaba xanuunka dhimirka waxaana hirgaliyey dhismaha ispitalka cusub ururo ay leeyihiin qurba joogta reer Puntland.

 Sawiro






Maxamed siciid  yuusuf
SBC International Garoowe