C/samad Macallin Maxamuud wasiirka arrimah Gudah iyo amniga qaranaka ee dowlda ku meelgaarka ah ee soomaaliya ayaa shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaalada Guud ee ammaanka dalka Gaar ahaan muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex taagan mudanayaasha baarlamaanka ee soomaaliya isagoona ugu baaqay xildhibaanada inay xushmeeyaan qaranimada ummada soomaaliyeed iyo sharaftooda intaba.

 Wasiirka amniga Qaranka  ayaa sidookale ammaanay ciidamada ammaanak ee puntland iyo sida loogu soo dhaweeyay wufuuda kala gadisan gudaha magaalada garoowe ee caasimada puntland Sheegayna in loobaahanyahay in lagu daydo puntland C/samad Macallin Maxamuud ayaa uga mahad celiyay culima awdiinka ahlusuna waljamaaca ,oday dhaqameedka iyo bulshada ku dhaqan deegaanak caabudwaaq halkaasi oo uu dhawaanta ka dhacay dagaal sabaabay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac .

C/samad Macallin Maxamuud wasiirka arrimah Gudaha iyo amniga qaranaka ayaa sheegy in guud ahaanab ammaanka dalku uu haatan maro meel wanaasgan gaar ahaan magaalda muqdisho oo uu sheegay in ammaankeedu uu yahay mid ay 98% ay gacanat ku hayaan ciidamda ammaanka ee dowlda soomaaliya  sheegayna in nabadaasi loo soo maray dhibaatooyin badan…..

Wasiirku mar uu ka hadlayay khilaafka xoogan ee soo kala dhex galay mudanayaasha  baarlamaanka soomaaliya  waxaa uu sheegay in uu jiro khilaaf baahsan oo an la qarin karin uuna batay gacan ka hadalka mudanayaasha baarlamaanka dowlada soomaaliya kaasi oo uu sheegay inay jiraan dhaawacyo soo kala gaaray mudanayaasha C/samad Macallin Maxamuud ayaa ugu baaqay mudanayaasah baarlamaanka in muddo afar asbuuc ah aysan isugu iman karin aqalaka baarlamaanka  uguna baaqay ciidamada ammaanak ianay ilaaliyaan xarunta baarlamaanak mudadaasi yar ee hakadka lagaliyay .

Dhanka akale wasiirk Arrimah gudaha Dowladaha Hoose iyo Horrumarinta Reer miyiga ee Puntland C/laahi Jaamac ilka jiir oo Saxaafada kula hadlayay Hoolka shirarka ee Jaamacada PSU oo ah goobta uu ka socdo wajiga labaad ee shirka wadatashiga Soomaaliyeed ayaa kawar bixiyay halku uu marayo shirku sidoo kalana hoosta ka xariiqay in sugida ammaanka ee shirka ay san jirin cidna ku wehelisa puntland .

Wasiirka Arrimah gudaha ee Puntland ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku faani karto inay sugtay ammaankeeda iyo kan martida kale ayna Marti galisay Shairarkale oo laysugu keenayay soomaalida gaar ahaan shirwaynihii haweenak soomaaliyeed ee ka dahcay magaalda garoowe.

Shirka jaraa’id ee wasiirka wasiirka arrimah Gudah iyo amniga qaranaka ee DKG ah ee soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka Xoogan ee u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanak DKG ah ee Soomaaliya kaasi oo salka ku haya Xilka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xsan Shiikh Aadan .

Yuusuf Maxamed
SBC International Garoowe