Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Khalid bin Mohammad Al Attiyah, ayaa waxaa maanta lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan si sax ah la aqoon waxa ay salka ku hayso booqashada Wasiirka, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaaya in Wasiirku uu ka jawaabaayo caasuumaad, ay u fidisay Dowladda Somaliya.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in la adkeeyay ammaanka wadooyinka gala Garoonka Duulimaadyada ee Aadan Cadde, iyadoona ay Ka Qeybqateen soo dhaweyntisa madax ka tirsan dowladda somaliya

Khalid bin Mohammad, ayaa tan iyo sanadkii 2013-ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, waana shakhsi galaangal weyn u leh Dowladda Qatar.

Qatar waxay ka mid tahay Wadamada Khaliijka ee taageerada ugu ballaaran u fidiya Dowladda Federalka Somaliya, waxayna ka caawineysaa dib u dhiska Ciidanka Qaranka iyo arrimaha amniga.