Wadadan cusub ee laamiga la saarayo furitaankeedii waxaa ka qayb galay wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo madaxa mashruuca JPLG ee hormarinta dowladaha hoose  ee ay maal galiso qaramada midoobay, duqa degamada iyo gudoomiyaha gobolka nugaal,  waxaana lagu sheegay dhererkeeda in kabadan hal kilow mitir isla makaana ay ku baxayso  96kun oo doolar.

Duqa degmada Garoowe C,casiis Nuur Cimli ayaa ka warmay  mudada uu soo socday qorshaha lagu wadadan laamiga lagu saarayo iyo lacagta ku baxaysa waxaana uu yiri “sanadii 2010 waxaan ku bixinay mashruuc lagu saarayey jay sanadkan 2012 dhamaanba dhaqaalihii aan ka helaynay barnaamijka JPLG waxaan ku bixinay dhismaha laamiga la saarayo, laakiinse howsha laga qabanayaa waa ka badan tahay intaas waxaana bixinaya bulshada degan xaafada wadadan laga dhisayo aniga oo ka wakiil ahna waxaan saxiisay qandaraaska shirkada dismaha samaynaysa  waxaana ka rajaynayaa in ay dhakhso lacagtaasi uga soo ururto bulshada waxaana uu xusay in wadan cusub loo samayn doono afar buundo oobiyuhu maraan  duqa degmada Garoowe waxaa uu rajo ka muujiyey in mustaqbalka ay macquultahay in ay wadooyinkale laami ka dhigaan.

Patric oo ah madax mashuurca jointa program ee lagu hormarinayo dowladaha hoose ee hayadaha qaramada midobay ayaa muhiimad wayn ku tilmamay dhistaanka wadadan waxaaana uu ku aamanay bulshada gacanta ay gaysteen, “ waxaan u malaynayaa in ay fursad wanaagsan u tahay mashruuca JPLG in uu awood u yeesho  in ay ka qayb galaan hirgalinta wadadan cusub  in aan manta xuso ka qayb galka bulshada rayidka ah sida ay uga qayb qateen qorshaynta dhismaha wadan labo sano ka hor  waxaana manta ugu yeerayaa gudoomiyaasha degmooyinka Puntland in ay ka fekeraan hindisaha iyo qorshayaasha lagu hirgaliyo wadooyinkan oo kale mustaqbalka.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Puntland  Axmed Jaamac Ilko jiir ugu dambayntii madasha ka hadlay ayaa sheegay dhistaanka wadooyinku in ay qayb ka yihiin hormarka dowladu ku tilaabsanayso.

Wadadan oo ah tii ugu horeysey ee noocani oo kale  ah ee laga hirgaliyo Garoowe waxaa la filayaa in bilici ahaan ka sokow ay suuta galin doonto in ay balaadhaan suuqyada iyo dukaamada ganacsiga, waxaana hubaal ah in wadadan iyo kuwa kale ee la sheegey in la dhisi doono mustaqbalka ay qeyb laxaad leh ka qaadan doonaan camirnaanshaha magaalada garoowe ha yeeshee wadan haatan la dhisayo wax badan kama badly doonto mashquulka wadada wadnaha u ah Gaoowe oo cidhiidhi badn uu ka jiro  .

Sawiro







Maxamed Siciid Yuusuf
SBC INternational Garoowe