Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Ayaa Maanta Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb.

Wasiirka Waxaa ka soo dhaweeyay Magaaladda Masuuliyiin Ka Tirsan Ahlusunna waljameeca, Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshadda.

Wasiirka Oo Xaflad Lagu Soo Dhaweynayay Ka Hadlay Ayaa sheegay in degmada Dhuusamareeb ay u tageen sidii ay wada hadal ula gali lahaayeen Ahlu-sunna Waljameeca, lana doonayo in Ahlu-sunna ay kaalinteeda ka qaadato dhismaha maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo Kale Waxaa la filayaa in Wasiirka uu kulamo la yeesho saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan degmada Dhuusamareeb, iyadoo toos looga wada hadli doono tabashada Ahlu-sunna iyo arrinta ku aadan qabsashada Dhuusamareeb.

Hoos ka dhageyso warbixin: