Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka hadashay socdaalkii ay ku joogtay muddooyinkan Magaalada Nairobi kadib ka qeybgalkeedii Shirkii Caalamiga ah ee ku qabsoomay Magaalada London 7-dii May , kuna saabsanaa Taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya .

Fawsiya Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabatay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegtay in ka qeybgalkeedii shirka London kadib ay ku hakatay Magaalada Nairobi , halkaasina ay kula kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka wada hadleen taageerida siyaasadda dowladda Soomaaliya ay ugu saldhigeyso nabadda iyo horumarka . 

Dhinaca kale , Wasiiraddu waxa ay kula kulantay Qeybta VIP-da ee Airport-ka  Gudoomiyaha Baarlamaanka Carbeed Axmed Bin Maxamed Aljarwaan oo ku bogaadiyay dowladda Federaalka hanaanka ay nabadda iyo deganaanshaha ugu soo dabaaleyso Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee wadanka, isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay xubin firfircoon oo ka mid ah Ururka Jaamacadda Carabta,beesha caalamkana ay u istaagtay taageerida iyo xoojinta hanaanka cusub ee siyaasadda Soomaaliya .

DSC00403 DSC00406 DSC00414 DSC00435 DSC00459 DSC00466

 Dhammaad

 

 

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda.