Wasiirka Wasaarada Aminga Puntland Col Khaliif Ciise  Mudan ayaa sheegay in goor dhow ay ku talajiraan khidad ama shaqooyin ay dowladu siweyn wax ugaga qabaneyso Amaanka Deegaanada Puntland.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in diirada koobaad ee howlgalkiisa ay noqondooto sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha taagan uuna u dejin lahaa qaabka loo wajihi karo .

Col Khaliif Ciise Mudan ayaa intaasi ku daray in u rajeynayo mudooyinka soo socda in la gaaro qof waliba oo muwaadin soomaali ah waxkasta ha ahaatee Masuul iyo Shacaba uu suuqa dhexmaro isaga oo aan cabsi qabin.

“Waxaan rajeynayaa in aan Waqti dhow soo dejinno Khidad Ama Shaqo Amniga wax looga qabanayo, aana Gaarno in ninba uu suuqa dhexmaro isaga oo aan Nafsadiisa Cabsi ka qabin” ayaa ka mid aha Hadaladii Wasiirka cusub ee Amaanka.Link hoose ka dhageyso

[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/wasirka-amniga-puntland-cod-1aad.mp3|titles=wasirka amniga puntland cod 1aad]
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeedyay Goob ay ka dhaceysay xaflad wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen Ganacsada gobolka Bari iyo Dowlada Puntland.

Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amniga Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arimaha abaaraha ka jira gudaha Dalka gaar ahaan Koonfurta Dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in Umada reer Puntland Shacab Walaa ganacsato iyo Masuulba in ay u kacaan sidii ay u gar gaari lahaayeen dadkaasi Walaalahooda ah.Link hoose ka dhageyso

[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/07/wasiirka-amniga-puntland-cod-2aad-.mp3|titles=wasiirka amniga puntland cod 2aad]
Isagoo ugu baaqay Shacabweynaha in ay caawiyaan dadkaasi tabaaleysan, ninkii bixiyaa kun sh Somalina uu wax ka caawiyay dadkaasi Soomaaliyeed ee ay Macluusha ba’ani heysato.

Sikastab ha ahaatee Wasiirka Amniga Puntland Col Khaliif Ciise Mudan ayaa isagu dhowaan loo soo magacaabay xilka, waxaana muuqata wax qabad iyo dar dar horleh oo uu la soo baxay taas oo uu ku doonayo sidii loo sogi lahaa Amaanka .

SBC Intrnational Boosaaso