Xaflad balaaran oo irdaha loogu furayo xafiiska Salaam Bank Qardho ayaa manta lagu qabtay hoolka shirarka ee Shirkada Golis , waxana furitaanka ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka socota Puntland, Shirkada Golis , Salaam Banki , Qaybaha kala duwan ee bulshada ,aqoon yahano, dhalinyaro, hooyooyin iyo marti sharaf kale oo lagu casumay xaflada .

Masuuliyiintii ka hadashay xaflada ayaa sheegay in Qardho ay aad ugu baahnayd Banki laga furo oo dabooli kara baahida bulshada iyadoo Salaam Bank uu samaynayo maalgashi xalaal ah oo waafaqsan sharciga islaamka .

Ugu horeyn waxaa kalmada furitaanka qaatay Maamulaha Salaam Bank Shuacyn Xaaji Nuur waxana uu sheegay in manta Qardho ay nasiib u yeelatay in ay noqoto magaaladii 3 dexaad ee laga furo Salaam waxana uu ka warbixiyay adeegyada uu bulshada u qabanayo Bankigu waxana kamid ah in uu kuu samaynayo akoono aad ku kaydsan karto lacagtaada kaasi oo kaa yaraynaya khatartii ahayd in lacagi kaa lunto ama aad waydo ama aad jeebka ku sidato .

Shucayb ayaa mar kale sheegay in faa’iidooyinka uu leeyahay Bankigu ay ka mid tahay in uu kuu haynayo lacagihii aad dhigan jirteen Guryaha ama meelaha kale ee aan munaasibka ahayn  oo khatar aad uga baqaysay in ay soo food saarto, Maamulaha ayaa mar kale ku nuux nuuxsaday in lacagta aad dhigato Akoonka Salaam bank aad kala bixi karto meel kasta oo aad joogto, iyadoo barnaamijkani uu si wayn u anfici doono ganacsatada meel kastoo ay joogaan .

Intaas kadib waxaa xaflada ka hadlay duqa Degmada qardho Maxe’d Siciid Ciise waxana uu sheegay in aad loogu baahnaa Banki laga furo Qardho waxana uu aad ugu mahad celiyay maamulka Salaam Bank iyo cid walba oo gacan ka gaysatay hawshan , waxana uu Maxe’d Siciid isla manta Akoon ka furtay bankiga waxana uu noqday qafkii 14 aad ee akoon furtay manta .

Faarax Xaaji Mire oo ah madaxa arimaha bulshada ee GOLIS ayaa sheegay in salaam Banki uu kamid yahay shirkada GOLIS , waxana uu sheegay in baahida furitaanka Bankiga ay keentay in bulshadu ay hesho adeeg dhamaystiran oo looga bogto a deegyadii  looga baahnaa Bankiyada .

Ugu dambayntii waxaa xaflada ka hadlay wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan waxana uu sheegay in bankigu uu faa’iidoo u leeyahay bulshada oo ay ku kayd sankaraan dhamaan lacagahooda iyadoo bankigu uu kuu maalgalinayo ganacsigaaga .

Xaruntan Salaam Banki ee manta laga furay magaalada Qardho ayaa noqonaysa xaruntii 3 xaad ee Bankigu leeyahay ee laga furo magaaladan waxana horay xarumo kale bankigu uga furtay magaalooyinka Bosaso iyo Garoowe waxana bulshadu ay sheegeen in ay aad u soo dhoweynayaan Bankiga cusub oo ay ku kayn sanayaan dhamaan lacagahooda .

Sawiro






Hassan Abdi frey (Gentleman)
SBC-International Qardho