Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in Burcad badeed ku rasaaseysay Deegaano katirsan Baargaal ay gacanta ku soo dhigeen

Wareysi gaar ah oo uu warbaahinta SBC International siiyay Wasiirka Amniga Puntland Col Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen Maxabiis Burcad badeed ah kuwaasi oo rasaas ku riday gadiid ciidan oo ay wateen wafdi puntland ka tirsan oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Col.Khaliif Ciise ayaa sheegay in wefdiga uu isagu ka mid yahay ay marayaan deegaano ka tirsan Gobolkada Bari & Karkaar waxaana uu socdaalkooda ku sheegay mid u kuur gelid xaaladaha Deegaanka ah waxaana uu meesha ka saaray jiritaanka Maamulka dhawaan looga dhawaaqay deegaanada la isku yiraahdo Raascaseyr

Wasiirka Amniga Puntland ayaa waxaa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la soo qaateen waxgaradka & Odayaasha Degmada Baargaal isaga oo xusay inay kala hadleen sidii wax looga qaban karo xaaladaha kala duwan ee deegaanka ka jiro sida hagaajinta Maamulka Degmada & Sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha abaareed ee halkaasi ka jira.

Wefdiga wasiirada ah ee ka socda Maamulka Puntland ayaa waxaa socdaalkooda ay ku sheegeen inay ku mari doonan deegaanada Gobolka Bari iyaga oo sheegay inay fulinayaan Amarka Madaxweynaha Puntland ee ku aadan wax ka qabashada Xaaladaha Biniadanimo ee ka jirta Deegaanada kala duwan ee BAriga Fog ah.

Hoos ka dhageyso Wareysi Wasiirka Amniga Puntland
[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/Wasiirka-Amniga-Khaliif-Ciise-Mudan-P1.mp3|titles=Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan P1][audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/08/Wasiirka-Amniga-Khaliif-Ciise-Mudan-P2.mp3|titles=Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan P2]

SBC International News Desk