Kulan saxaafadeed saaka uu u qabtay wasiirka Wasaarada Amniga Puntland aya waxa uu ugaga warbixiyay xaaladaha amaan ee ka jira deegaanada Puntland .

Wasiirka Wasaarada Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen arinta Ciidan ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo soo gaaray Gudaha deegaano ka tirsan Puntland shaqaaqana ka geystay gaar ahaan degmada Laasaqoray ee gobolka Sanaag.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Arintaasi ay tahay mid siweyn looga xumaado islamarkaana uu u jeedinayo Maamulkaasi iyo ciidamadooda in ay joojiyaan Gardarada, ciidankoodana ka celiyaan deegaankaas.

Waxaa kale oo uu ka hadlay wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan arimo ku aadan howlo ciidamada Badda ee Puntland lagu geynayo deegaano ka tirsan gobolka Karkaar sida Degmada Xaafuun.

Waxa uu sheegay in degmada Xaafuun ay tageen islamarkaana kulamo kala duwan la qaateen waxgaradka deegaanka kaasi oo ka soo baxay in la isku afgartay in ciidamada Badda ee Puntland halkaasi la dejiyo .

Intii ay deegaanka joogeen ayaa waxaa dhacday in kooxo hubeysani ay amaan xumo ku kacaan kuwaasi oo ay ciidamadu qabteen islamarkaana iminka ay socoto baaritaankooda waasida uu hadalka u dhigaye

Sidoo kale Intii ay ku guda jireen safarkooda ayaa waxa uu sheegay wasiirku in howlgalo kormeer ah oo ay ku tageen deegaano kale oo ay ka mid tahay deegaan lagu magacaabo Bacaad halkaas oo ay ku soo qabteen rag iyagu ka tirsan Burcad badeeda iyo qalabd ay siteen.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday wasiirku qarax ka dhacay maalmo ka hor magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

waxa uu sheegay wasiirku in qaraxaasi ragii ka dambeeyay ay gacanta ku hayaan qofkii ugu dambeeyayna ay xalayto gacanta ku dhigeen ciidamada Amaanka.

Sikastaba ha ahaate Kulan saxaafadeedka wasiirka Amina Puntland waxa uu ku soo aadayaa xili todobaadkii ugu dambeeyay ay dheceen dhacdooyin amaan daro ah oo ka dhacay deegaanada qaar ee Puntland sida uu ku warbixiyayba wasiirku.

Axmed Nuune
SBC INternational Monitoring