Wasiirka Wasaarada Amaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa Maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Boosaaso waxa uu si kulul ugu cambaareeyay hadal dhowaan ka soo baxay Afhayeenka Xarakada Shabaab Almujaahidiin Sh Cali Dheere, kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay Hadal Bur burin ku ah jiritaanka Puntland .

Waxa uu Wasiir Khaliif Ciise Intaasi ku daray in Dowlada Puntland ay Markasta Difaaceyso Jiritaankeeda una dulqaadaneyn waxyaabaha bur burin iyo qal qal Amaan u keenaya Mushtamaca ay maamusho,

“Dowlada Puntland Cidna Marti ugama Aha ku dhaqanka shareecada Islaamka” ayaa ka mid ahaa hadalkii wasiirka Amaanka Puntland.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Shacabka reer Puntland in ay ilaashadaan Jiritaanka iyo Amaankooda Xasilooniadana ka hormariyaan wax walba.

Kulan saxaafadeedka uu maanta isugu yeeray wasiirka Amnika Puntland waxa uu daba socdaa hadal Maalin nimadii shalay uu Saxaafada ka sheegay Afhayeenka Xarakada Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage kaas oo intiisa badan ku saabsanaa Xaaladaha Puntland iyo in ay Xarakadu dhowaan tageyso Puntland.

SBC International Boosaaso