Boosaaso- Shir saxaafadeed uu goor dhoweyd ku qabtay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso Wasiirka Amniga Puntland Gen Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa uu kaga hadlay Dagaalo Khasaare geystay oo ka dhacay Deegaanka Galgala oo ku yaala Buuraha Golis ee Kulaala Magaalada boosaaso Isaga oo xusay in Ciidamada Dowlada Maamulka Puntland ay iska dhiciyeen Kooxihii weerarka soo qaaday.

Gen Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa uu sheegay in kooxo hubeysan oo ka mid ah Kooxihii ay horey dowlada Ugula dagaalantay Buuraleyda Galgala ay ku dhiufteen Madfac mid ka mid ah gadiidka Dagaalka ee Ciidamada Puntland islamarkaasina uu halkaas ka dhacay Khasaare gaaray 5 Dhimasho ah &  4 qof oo ku dhaawacantay.

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa meesha ka saaray in ciidamadooda lagala wareegay Fariisimadii ay ku lahaayeen Deegaanka Galgala ee Gobolka bari waxaana uu sheegay in Ciidamada Dowlada ay baacsadeen Kooxihi weerarka ku soo qaaday oo uu ku tilmaamay ku xiriir la leh Xarkada Alshabaab.

Gen.Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in Ciidamada Dowlada oo horey looga soo saaray Deegaanka Gal Gala haatan dib loogu celin doona bacdamaa ay dagaalo cusub ka biloowdeen waxaana uu sheegay in mowqifka Dowlada uu yahay in lala dagaalo cidkasta oo ka hortimaada Amaanka & Kala danbeynta Deegaanadan

Wararka Ka imaanay Deegaanka Galgala ayaa ku waramaya in halkaas uu dagaal kharaar ka dhacay kaasi oo lagu gubay gadiid dagaal oo ay leeyihiin Puntland hase ahaatee wasiirka amniga ayaa meesha ka saaray in gadiid dagaal halkaas looga gubay waxaana uu sheegay in ciidamada Guud ahaan ay ku sugan yihiin fariisimadoodii hore .

SBC International News Desk