Xafladan oo si heer sare ah  loo agaasimay ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland oo ay ka soo qayb galeen Xubno k a mida Wasirada Maamulka Puntland Ha,yaddaha Qaramada midoway Ururadda Haweenka Puntland Dhamaan Shaqalaha Wasarada oo badankoodu ka yimid Gobolada iyo degmooyinka  iyadoo sidoo kalena ay goob joog ka ahayeen Wasir ku xigeenkada Wasara Haweenka iyo arimaha qoyska oo xilka kala waregayay.

Wasirkoo hore ee Haweenka iyo Arrimaha qoyska Marwo Casho geele oo hadalka Bilowday ayaa ku dheeratay Hormarka ay gaartay wasaradu intii ay jogtay iyadoo ka soo bilowday xiligi loo dhiibay laguna asaasay meel banana oo xita aan lahayn dhisme wasaradu ay  ku shaqayso.

Caasho Geele waxaa ay kawarantay in Wasaradu manta ay tahay mid ka shaqadeedu laysku halayn karo  iyadoo taasina ay ugu wacan tahay ayey tiri hawlkarnimada Shaqalaha wasarada oo loo tababaray, hadana wasaradu ay waday Mashariic badan oo lagu hormarinayo Haweenka iyo Arrimaha qoyska Puntland lana shaqayn doonto masulka cusub oo loo soo magacabay

Qaar ka mida hawladeena Wasarada Haweenka oo  shahado sharaf gudoonsiiyey wasirkii hore ee haweenka iyo arimaha qoyska Caasho Geele diriye ayaa ku amanay shaqadii wanagsanayd ee ay soo haysay, waxaanalaga dheehean kartay Wajidadooda murugo iyo iyagoo markii danbe isu badalay hadaladooda mid ay ma muuqatay oohin iyo baroordiiq dadka oo dhan ku abuurtay in Wasiradii hore ay qancisyo dhaman ka soo qaybgalayashii.

Wasirka Maamul Wanaag Madaxtooyada Puntland Maxamed Farax ciise Gashan oo ka mid aha Masuliyinta ka hadlay Ayaa qiray waxqabadkii wasarada Haweenka iyo arimaha qoyska, waxaana uu sheegay in ay caasho ka mid ahayd mudo golaha wasiirada Puntland kuwooda ugu firfircoonaa dhinac walba haday noqon lahayd Hogaminta iyo kicinta dadka xiliyada xafladaha iyo sidoo kale in ay ka soo dhalashay shaqadii ay bulshada u haysay.

Marka laga yimaado Xilwareejintan waxaa marwo caasho lagu xasuustaa Shirarkii taariikhiga ahaa ee Hawen waynaha somaliyed logu qabtay Garowe Agaasinka iyo Isku dubaridida Xafladihi quruxda badnaa ee Xiliyadii Sanadgurooyinka Asaskii Puntland .

Sawiro









C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe