Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana shirka looga hadlay qaabkii loola shaqayn lahaa UNSOM, Hindiso Sharciyeedyo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Khayraadka Dalka.

Shirkaan oo socday saacado badan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Cilmooge Xirsi.

“Gollaha Wasiiradu waxay ka wada hadleen isbadalka lagu sameeyey xafiiskii siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS oo markii hore shaqadiisu ahayd arrimaha siyaasadda, hada xafiiska cusub ee UNSOM shaqadiisu waxay noqonaysaa dib-u-dhiska dalka, xariirinta gargaarka, iyo isagoo dowladda kala shaqaynaya arrimaha maamul wanaaga, waxaana 24 bishaan dhacaya shir tafaasiil dheeraad ah looga bixinayo wada shaqaynta dhex maraysa dowladda Soomaaliya iyo xafiiska cusub ee UNSOM” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale golaha Wasiiradda ayaa ka dooday hindise sharciyeed ay Wasaaradda Ganacsiga soo gudbisay kaas oo ka hadlaya qaabka loo wajahayo maalgashiga hadii uu noqon lahaa midka ay samaynayaan ganacsatada shisheeyaha ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo saamayn weyn ku yeelanaysaa kor u qaadida dhaqaalaha dalka, kuna dhiiri galinaysa maalgashiyaasha shisheeya inay dalka yimaadaan mar hadii uu jiro sharci lagu dhaqayo, waxaana uu goluhu si buuxda isugu raacay hindise sharciyeedkaas, iyadoona dhawaan loo gudbin doono gollaha Baarlamaanka.

Ugu danbayntii Gollaha ayaa ansixiyey hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Khayraadka Dalka kaas oo ah sharci lagu dhaqayo kaluumaysiga dalka. Waxaa sidoo kale golluhu iftiimiyey soo celintii maamulka hawada Soomaaliya inay ahayd arin horumar u ah dhamaan shacabka Soomaaliyeed, dhaqaalaha ka soo baxa hawada Soomaaliyana loo qaybin doono si siman dhamaan goboladda Dalka.

IMG_9740 IMG_9743 IMG_9754 IMG_9756

DHAMAAD