Wafdi ay horkaceyso wasiirada Wasaarada Arimaha Haweenka Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyay duleedka magalada Garoowe xarunta Puntland .

Wasiirada Haweenka Puntland Xaliimo Xaaji Xuseen iyo Wafdigeeda oo uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Puntland waxa ay ka soo kici timeen magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay ka soo dejisay diyaarad ay ugaga yimaadeen dhankaas iyo dalka Mareykanka.

Haween haad u tiro badan oo ka kala socday ururada haweenka, shaqaalaha Wasaarada Haweenka iyo dadweyne kale ayaa kaga hortagay wasiirada iyo wafdigeeda duleedka magaalada Garoowe waxaana ay halkaasi ugu sameeyeen soo dhaweyn balaaran.

Wasiirada Haweenka Puntland Xaliimo Xaaji Xuseen ayaa ka dib soo dhaweyn isla duleedka Garoowe kula hadashay dadkii soo dhaweeyay, iyadoona ugu horeyn ka mahad celisay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay .

Safarka wasiirada ay kaga timid Dalka mareykanka waxa uu noqonayaa keedii ugu horeeyay tan iyo intii loo magacaabay xilka wasiirnimada Haweenka Puntland .




Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.