PM
Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanku uga noqday mooshinkii ka dhanka ahaa dawladda. Waxaa kaloo goluhu ka wada hadleen arrimaha federaalaynta dalka ee la xiriira Jubaland iyo wada xaajoodka Somaliland.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxaafada si toos ah ugala hadlay shacabka Soomaaliyeed kadib markuu dhamaaday shirkii golaha wasiirada. Kadib markuu soo dhaweeyay go,aankii baarlamaanka ee looga noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada, waxaa uu ka hadlay xaalada Kismaayo, horumarka gobolada koonfureed iyo magaalda Muqdisho iyo halka ay marayaan wada-hadaladii dawlada Soomaliya iyo maamulka Somaliland. Asagoo ku hormaray mooshinkii guul daraysatay ee ka dhanka ahaa xukuumada ayuu xusay in dawladda wax badan uga kordheen arrintaas.

 

“Si wada-jir ah baan u xalinay dareenkii xildhibaanadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dawladda. Kala duwanaanta fikirka hadii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga faa’iidaa, waxaana oran karaa, ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysanay mooshinka. Maanta iyo maantii mooshinka la bilaabay maantaan kalsooni badanahay, oo aan dhihi karaa faham buuxa yaan ka qabnaa qaabka wada shaqeynta labada gole,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo siweyn ugu mahad celiyay shacbiga Soomaaliyeed ee taageerada buuxda u muujiyay xukuumada mudadii mooshinku socday.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa si kooban uga warbixiyay horumarka arrimha guddaha iyo dhaqaalaha dalka. Waxaana uu sheegay inuu jiro kobac dhaqaale oo yididiilo leh iyo in dalka dib-loogu soo noqonayo muda dheer kadib.

 

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu ka hadalay arrimha Kismaayo iyo barnaamijka dawladda ee ku aadan Jubaland. Waxaana uu sheegay ugu horeyn in xukuumaddu leedahay masuuliyada federaalaynta dalka ayna doonayso inay maamul-goboleedyadu ku dhismaan sida dastuurku dhigayo ee ummada Soomaaliyeed heshiiska ku gashay.

 

“Dariiqa loo marayo waa inuu noqdo dariiqa saxdaa, waa in dawladdu leedahay doorka hogaanka lagu samaynayo maamul-goboleedka. Sidoo kale waa muhiim in shacabka deegaanku u dhan yihiin oo isku waafaqsan yihiin, uuna waafaqsan yahay dastuurka. Waxaa kaloo muhiim ah inaysan hakad galin ladagaalanka argogixisada iyo sidii wadanka nadab loogu soo dabaali lahaa,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

 

Waxaana uu dhanka kale ka hadlay wada hadaladii u dhexeeyay xukuumada iyo Somaliland ee kulankii labaad laysugu soo noqonayo Istanbul bisha soo socota. Waxaa uu sheegay inay wada hadaladaani muhiimad gooni ah u leeyihiin ummada Soomaaliyeed ayna taas ku baraarugsan tahay dawladdu.

 

“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaan gaarno Soomaaliya oo mid ah isla markaana federaali ah. Wadada aan u hayno jidkaas midnimada waa inaan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha na loo igmaday. Waxaan doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ah ma galinayno, kamana saareyno,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Gollaha_Wasiirada Gollaha_wasiirada2  Pm_Shirkii_gollaha_wasiirada Wasiiro