Madaxwaynaha Puntland C/raxman Maxamed Maxamud Faroole ayaa maanta ka qayb galay xaflada lagu dharinayey Wasiradii cusbaa oo dhawaan uu soo magacabay taas oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe.
Maxkamada sare oo dharintan fulinaysay ayaa inta aan dhaarta loo gudo galin waxaa hadl koban jeediyay Madaxwaynaha Puntland C/raxman Maxamed Maxamud Faroole isagoo sheegay in isbadalku yahay mid shaqada ku hagagayso loona baahan yahay wajiyo cusub .
Kadib waxaa halkaasi lagu dhaariyay Wasiirada Cusub ee ka mid noqonaya Xukuumada isbedelka lagu sameeyay ee Puntland.
Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii wasiradan maanta la dhariyey Madaxwaynaha Puntland uu ku soo magacabay Digreeto halka kuwa kalena uu shaqadi ka cayriyay iyadoo ay jireena wasiro shaqooyinka loo kala badal.
Dhageyso Warbixin ku aadan Dhaarinta Wasiirada Cusub DHAGEYSo
Daalacatey :555