Wasiirka Wasaarada Caafimaadka  Xaawa Xassan Maxamed aya waxay booqasho rasmi ah ku tagtey usbuucaan Dalka China,

Waxay la kulantay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China H.E Li Bin, waxay labada Wasiir ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaaricdi caafimaadka ee dalka uu ka fulin jiray China gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Benadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu udhisay China, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaadka ee wadanka China u soo diri jireen wadanka Somaliya.

Labada Wasiir aya waxay ku heshiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wafdi ka socdo Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China loo soo diro Soomaaliya si ay uso qiimeeyaan baahida caafimaadka ee dalka, sidoo kale waxa la isku afgartay in heshis labada dal ah lagala saxiixdo dhawaan.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaaliya iyo Wafdikeeda waxay sidoo kale booqdeen 3 Gobal oo ka mid dalka China gar ahaan waxay si gooni ah wafdika u booqdeen Warshadaha soo saara daawooyinka, isbitaalada wadanka, Jaamacadaha Dalka iyo Xarumaha Cilmi Baarista ee Wadanka China, ayadoo dhamaan balan qaadyo rasmi ah kasoo heshay dhamaan meelihi wafdika Soomaaliya uu booqday.

Wasirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaaliya iyo Wafdikeda waxay sidoo kale waxay la kulantay madax kala duwan ee Dalka China gaar ahaan Guudomiyayaasha 3 Gobalka ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen kulankaas arimo la xariiro sidi kor loogu qaadi laha tacliinta iyo deeqda wax barashe ee lasinaayo ardayda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya waxay kala hadashay dhamaan madaxdii ay la kulantay in ardayda Soomaaliyeed laga caawiyo dalka ku galka Wadanka China oo maalmahan aad ugu adka ardayda heshay wax barashada wadankaan, sidoo kale waxay wasiirka xooga ku saartay in ardayda Soomaaliyeed oo aad ooga cabanaayey in ay kala kulmaan caqabad dhinaca helida qabuuraha muslimiinta marki uu qof ka geeriyoday ay si fican oo kala hadashay in lagu ixtiraamo ardayda Soomaaliyeed dhaqankooda iyo diintoda taaso ay aqbaleen madaxdii ay la kulantay.

Wasirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaaliya iyo Wafdikeda waxay sidoo kale la kulmeen ardayada Soomaliyeed ee wax ka barata Dalka China ha, kulankaas oo runtii la isku dhaafsaday hormarka ay ku tilaabsadeen ardayada Soomaaliyeed, iyo dhibaatoyinka ay qaban ardayda, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ayaa waxay balan qaaday in dhamaan dhibaatooyinkaas la gaarsin doono madaxda Dalka waxna laga qaban doono.

Booqashooyinka noocan ah waxay qeyb ka tahay dardargalinta iyo hiigsika fog ee Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Marwo Hawa Hassan ay ku dooneyso inay ku hormariso Caafimaadka Dalka.

Daawo sawiradda:

4 China and Somali Health Ministr IMG_2071 IMG_2077 IMG_2208 IMG_2221 IMG_2405 IMG_2467 IMG_2468 IMG_2851 IMG_2968 IMG_3024 IMG_3119 IMG_3123 IMG_3132 IMG_3134 Wasiirka Caafimaadka Somalia iyo Governor Jilin Province