Iyadoo in muddo ah ay qaadatay hirgelinta xeerka Saxaafadda dalka ayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho waxa uu daboolka ka qaaday in wax ay ka badalayaan xeerkaasi.

Wasiir Maareeye ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan guddi ka koban qeybaha Warbaahinta oo gacanta ku haya xeerkaasi islamarkaana Wasaaraddu ay wada tashi ka sameynayaan wax ka bedelka xeerkaasi.

Si kastaba Saxaafadda Madaxa banaan ayaa horay u soo gudbisay dhaliilo ku aadan wax ka bedelka xeerka saxaafadda maadaama ay  ku jiraan qodobo aan la qaadan karin sida la sheegay.

SBC, NEWS