Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland oo ka warbixiyay Kormeer uu sameynayay,


Waxaa beryihii ugu danbaysay kormeero ku maraayey goobaha waxbarasho ee magaalada Bosaso wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Puntland Jaamac Yaasin Jaamac iyo xubno ka tirsan Wasaarada Waxbarashada.

Hadaba shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiska Gudoonka waxbarashada  Degmada ayaa wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Puntland Jaamac Yaasin Jaamac waxa uu kaga warbixiyey kormeeradoodii iyo waxa ay ku salaysnaayeen, isagoo ka dhawaajiyey in kormeerkoodu ku salaaysnaa sidii  loo sixilahaa  diiwaan gelinta ardayga iyo dhibcaha uu imtixaanka kakeensaden  iyo sidii waxlooga qabanlahaa ardayda boodboosaysa.

“waxaan beryihi ugu danbaysay kawadanay magaalada Bosaso kormeero ku aadan sidii wax looga qaban lahaa lana ogaanlahaa dhibaatada ka jirta goobaha waxbarasho “ ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Jamac Yasin Jamac .

Waxa uuna maanta ugu danbayn la kulmay maamulayaasha dugsiyada sare isagoo la qaatay kulan albaabadu ixirnaayeen .

Waxaana lafilaaya in uu wasiir kuxigeenku beri booqdo jaamacadaha magaalada Bosaso.

Ibraahim Maxamuud
SBC International Bosaaso

One Response to Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland oo ka warbixiyay Kormeer uu sameynayay,

  1. Marka hore aad ayaan usalmayaa Wasiirka Jaamac yaasin jaamac .Waxaan aad ugu farxasanahay shaqada uu wado wasiir iyo Da daalka uu ladamcasan yahay wasaarad laf dhabarta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print