Wasiir ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa dharbaaxo iyo jeego qabasho waxaa looga saarey xarunta baarlamanka Galmudug maalinimadii shaley xili ay ka socotey dood ku aadan mooshin xil ka qaadis ah oo ay u soo jeediyeen xilddhaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug.

Wasiirka waxbarashada  Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa jeego qabasho iyo qadaanqadis qasab ah looga saarey xarunta ka dib markii uu ka biyo diiday go’aan lagu doonayey in xilka looga qaado Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin waxaana la sheegay in talaabadasi bahdilka ku ah wasiirka ay ku dhaqaaqeen xubno ka mid ah ilaalada xarunta Baarlamanka kuwaasi oo taageersanaa go’aanka xil ka qaadista.

Saxaafada ayaa waxaa u suurtagashay inay filim ka duubaan xiligii wasiirka dharbaaxada & qoor qabadka looga saarey xarunta, si aad u daawato Video-ga linka-ga hoose riix.

DAAWO

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobillan1@hotmail.com