Ra’isalwasaare kuxigeenka dawlada KMG Soomaaliya ahna wasiirka gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa si kulul uga hadley hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku cadeeyey in dawladiisu aqoonsatey maamulka goboleedka Khaatumo State ee dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Xuseen Carab Ciise oo ka soo jeeda gobolada waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland ayaa si ba’an ugu gacan sayrey go’aanka madaxweynaha, isagoo muujiyey in arintaasi tahay mid lagu burburinayo horumarka iyo guulaha uu sheegay in ay gaartey Somaliland 20-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna xusey in waraaq la saxiixo ama hadal la ogolaado inaanu waxba soo kordhineyn oo ay tahay in hadii la aqoonsanayo maamulkaasi uu soo maro qaabka aqoonsiga maamul goboleedyada iyo inay anisixyaan golaha wasiirada.

“Horta sida aad ogtahay meeshan waxaa la igu soo doortey nidaam yar (system) xun oo ah 4.5, anigu markaasi marnaba wax innaba aay yeelayo oo u keenaya Somaliland oo 20 sano ka soo shaqeynaysay sidii dalkeeda wax ugu tari laheyd, ama horey ugu socon laheyd, nabadda dadkaa u keentey, horumarka wadankeeda u keentey, iyadoon waliba wax gargaar ah dibada ka heleyn, runtii waa wax aad iyo aad loogu amaani karo, marka wax u keenaya burburin amniga iyo horumarka ay gaartey marnaba anigu mid aan taageerayo ma ahan, dee tan hada marka gobol la sameynayana waxaa jira nidaam la soo maro, marka waxaad moodaa in nidaamkaasi mid la soo marin inaanu aheyn oo ay u qalantaa maamul goboleed, tan kale waa in la soo mariyaa golaha wasiirada oo waa in la soo ansixiyaa, markaa waxaa jira waxyaalo badan oo aan la soo marin, warqad la saxiixaa ama hadal la yiri waxaan u maleynaa inaanay wax weyn aheyn” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

Hadalka Xuseen Carab Ciise ayaa u muuqanaya mid uu si weyn uga biyo diidsan hadalkii Madaxweynaha uu ku sheegay in dawlada KMG Soomaaliya aqoonsatey maamul goboleedka Taleex, iyadoo taasi ka dhigan tahay iskhilaaf salka ku haya dano qabiil iyo siyaasadeed oo ka dhex jira madaxda dawlada KMG.

Wareysiga lala yeeshay Xuseen Carab Ciise oo arimo badan ka hadlaya ka dhageyso link-ga audio-ha hoose.

dhageyso

SBC News Desk