Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga  Xukumadda Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini oo la hadlay Idaacada Dowladda ayaa ka warbixiyay Arrimo ay kamid yihiin Mushaaraadka soo daaha ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya  haysata.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini ayaa sheegay in wasaarada Muhiimada Koowaad ay siineeyso in Ciidamada Xoogga Dalka ay helaan Mushaaraad iyo Xaquuq Fiican si horay loogu sii socdo.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegaa in aysan Mararka qaan waliba inta badan aysan helin Xaquuqudii Ciidan oo ay ku lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkanna wasiirku wuxuu sheegay xilli shalay oo jimco aheyd uu ka qeybqaadanayay Barnaamij laga biihiyay warbaahinta Dowladda.