Dimishiq:- Rasaan Seytuuna oo ah qareen u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters in ay hubaan dhimashada 27 qof oo rayid ah islamarkaana ay jiraan tiro kale oo loo qaaday isbitaalka kadib markii lagaran waayey eheladooda deegaanka Talkalakh ee ku taala xuduuda u dhexeysa Suuriya iyo Lubnan .

Haweeney suuriyan ah ayaa ku dhimatay shan kalana wey ku dhawaacmeen xadka Baqiicah ee ku taala xuduuda u dhexeysa Suuriya iyo Lubnan kadib amrkii ciidaamda Suuriya ayaa rasaas ku fureen

Dhacdadan ayaa timid xilli beesha caalamka ay kordhisay cadaadiska ay xukuumadda Syria ku saarayso in ay joojiso caburinta shacabka ka soo horjeeda maamulka madaxweyne Bashaar Al-asad.

Xoghayaha arrimaha dibadda xukuumadda Mareykanka haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton ayaa sheegtay in xukuumadeeda iyo xulafadeeda reer galbeedka ay isku afgarteen qaadista talaabooyin dheeraad ah oo kadhan ah xukuumadda Syria haddii aysan bedelin qaabka ay ula dhaqmeyso dadka dibad baxaya tan iyo bishii maarso ee la soo dhaafay.

Clinton oo shir jar’aaid ku qabatay Washington ayaa sheegtay in ay qaadi doonaan talaabooyin dheeraad ah maalmaha soo socda.

Deegaanka Talkalakh ee ku taala galbeedka Suuriya ee ay go´doomiyeen ciidamada Suuriya ayaa shacabkeeda waxay yihiin kuwa ugu badan ee u cararaya dalka Lubnan iyagoo raadinaya meel amni ahaan u dhaanta deegaankooda oo u dhow xadka Lubnan.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring