Washington:-Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa saxiixay amar fulin ah oo cunaqabatayn toos ah lagu saarayo madaxweynaha dalka Syria iyo lix kamid ah mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Syria kuwaasi oo ay Washington ku tilmaamtay in ay qeyb ka yihiin caburinta dhaqdhaqaaqyada looga soo horjeedo nidaamka Bashaar Al-asad.

Mas’uuliyiinta dowladda mareykanka ay cunaqabtaynta ku soo rogtay ayaa waxaa kamid ah Faaruuq Al-sharac oo ah madaxweyne kuxigeenka dalkaas Syria , Caadil Safar madaxa xukuumadda ,Maxed Ibraahim Al-shacaar wasiirka arrimaha gudaha, Cali Xabiib Maxamuud wasiirka gaashaandhiga, C/fataax Qudsi madaxa sirdoonka milateriga iyo Maxed Diib Seytuun madaxa amaanka siyaasada.

Aqalka cad mareykanka ayaa sheegay in qaraarkan uu kadhigan yahay dadaal cadaadis lagu saarayo xukuumadda Syria si ay u joojiso dhibaataynta shacabkeeda.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Khasnada mareykanka ayaa lagu sheegay in cunaqabtayntani ay kadhigan tahay fariin culus oo loo dirayo madaxweyne Asad iyo nidaamkiisa.

Ma aha markii ugu horeesay ay dowladda mareykanku cunaqabatyn ku soo rogto mas’uuliyiin katirsan maamulka dalka Syria.

Laba toddobaad ka hor dowladda mareykanka ayaa cunaqabtayn ku soo rogtay Maahir Al-asad oo ay walaalo yihiin madaxweyne Bashaar Al-asad iyo mas’uuliyiin kale.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring