Wasarada Waxbarashada Puntland iyo Ha’yadaha ay wada shaqaynta leyihiin ayaa maanta kulan balaran ku yeeshay Xarunta wasarada kaas oo la qabto 6 biloodba mar dibna loogu eegayay waxyabihii ay  soo qabteen labada dhinac, gaar ahaan Ha’yadaha ay ka wada shaqeeyaan Waxbarashada sida unicef

Wasiirka wasarada waxbarashada   Cabdi Farax Juxa oo Hadal ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Ha’yadaha kala shaqeeya dhanka waxbarashada hormarka ay hada ka gaareen gaar ahaanw axaa uu aad ugu dheeraday labadii sano ee la soo dhafaay waxqabadkii wasarada gaar ahaan waxaa uu tilmamay midaynta manahijta Deeqaha waxbarasho oo loo diray Arday ku dhow 170 iyo sidoo kale midaynta imtaxanaadka dugsiyada oo wakhti Go’an ay fariisteen oo aan horay u dhici jirin

Wasirku waxaa kale oo uu sheegay kuna adkeeyay Ha’yadaha in ay kala shaqeeyaan Deeqahaa waxbarashad aoo inta badan ay ka caga jiidaan ha’yaduhu  isagoo hoosta ka xariiqay hadafka wasaradu ay tahay tayada waxbarashada oo ay ka midaysan yihin dhaman bahada waxbarashada wasaradu in ay ka gaaran guulo fiican

Kulankani waxaa la qabtaa 6 biloodba mar kaas oo looga wada hadlo inta badan dhanka waxbarashada hormarkii laga gaaray wakhtigaas laga soo gudbay.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe