Wasaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa maanta sooBandhigtay buug lagu dabacay Waxqabadkeedii wasarada 2005-ilaa 2010 oo ka koobnaa  Sideed Qaybood oo qayb walba lagu fahfahiyay Wixii laga soo qabtay Wasirka Wasarada Haweenka Iyo Arrimha Qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diriyo oo warbaahinta u akhrisay Buugaan lagu soo kooban waxyaibii ugu muhiimsanaa ee wasaradu qabatay ayaa mid mid u sheegtay Barnaamijka ku dabacan buuga oo ay ku timaantay mid laga soo shaqeeyay oo dhamaan Muujinaya waxqabadka wasarada Dhinac walba.

Wasiradu waxaa ay kaloo Mujisay Xiligii la asasay Wasrada in ay wax badan ka qabteen Tsunamigii ku dhiftay 2004 Bada Hindiya ay Gacan wayn ka gaysteen dadkii wax yeeladu ka soo garytayna ay Dhismayaal Loo dhisay ay qab ka ahayeen,

Dhanka shaqalaha wasarada Haweenka ayaa sidoo kale waxa ay faah fahin ka bixisay Marxaladihi ay soo Mareen tiro ahaan halka ay manta Joogaan oo uga saraysa halka markii hore lagu Bilabay isla markaana ay xitaa qayb ka yihiin wasarada Haweenku Dhanka golayasha Degaanka Waxaana wasaradani la asasay markii ugu horaysay Horantii sanadkii 2005 taas oo lo magacabay Wasirka hada talada haya Caasho Gele Diriye, xiligaas oo  uu talada Dalka Gacanta ku hayey Madaxwaynihii Hore ee Puntland Gen Cadde Muuse Xirsi

 C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe