War Saxaafadeed (Muqdisho – July 8, 2012) Dowladda Soomaaliya waxay cambaareyneysaa iskudaygii la rabay in lagu dilo xalay wariyihii Universal Television, Cabdulqaadir Cumar Cabdulle, kaas oo dhaawac culus ka soo gaaray dhanka caloosha kadib markii ay laba nin oo aan heybtooda la aqoon kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaal degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Maxamed ayaa cambaareyn kulul u jeediyay, asaga oo leh “Waan cambaareyneynaa iskudaygii la rabay in lagu dilo wariyaha, waxaana ku baaqeynaa in baaritaan lagu sameeyo qoladii ka danbeysay fal danbiyeedkaas.”

Dowladda waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay la shaqeeyaan xoogaga amniga si loo xaqiijiyo in laga hortago falalka danbiyada ee dhamaan dalka oo idil, oo ay ku jiraan kuwa argagixisada oo halis ku ah bulshada.

“Waa in aysan shacabku ka yeelin qolyaha masuulka ka ah falalka danbi in ay cabsi galiyaan, isla markaana ay taageeraan dadaalka loogu jiro in amniga caasimada lagu xaliyo taas oo ka hortagi doonta kuwa cadeystay cadaawadda ay u hayaan wariyeyaasha iyo dadka nabadda ka shaqeeya” ayuu yiri Mudane Cabdulqaadir.

Wasaarada Warfaafinta waxay dhiiragalineysaa qof walba oo haya warbixin ku saabsan fal danbiyeedkii la rabay in lagu dilo wariyihii Universal Television si dadkii arintaas ka danbeeyay bulshada looga qabto oo xabsiga loo dhigo.

DHAMMAAD