Xaflad Qado ah oo si heer sare loo soo Agaasimay sagootina looga dhigayay dhakhaatiirtii fulinaysay howlaha Qaliinka Dadka faruuran kuwaasi oo ka howlgalay  Isbitaalka guud Ee magaalada Garoowe  ayaa waxaa ay maanta ka dhacaday Deegaan Beereedka Jimagalle ee duuleedka Bari ee magaalada Garroowe .

Qada sharafta  ayaa waxaa u samaysay Dhakhaatiirta Wasaarada caafimaadka puntland iyadoona ay ka soo qayb Galeen wasiiro,Gudoomiyaasha gobolka degmada ,Dhkhaatiir iyo Agaasimayaasha wasaaradaha Dowlada puntland .

Marti qaadka ka dib ayaa waxaa madaxdii ka soctay wasaaradaha iyo ka soo qayb galayaasha waxaa ay  ku soo wareegeen Dhul Beereed ujeedkiisu ahaa In ay dhakhaatiirtu ay ku soo IL duugsadaan waxaana ay si wada jir ah ay koox koox u wada galeen sawirro xusuus ku Dhee hantahan tahay .

Intaasi kadib ayaa waxaa la Gudagalay shir looga mahad  celinayo Dhakhaatiirta maal mahaanba ku howlanaa in ay khaliino ku sameeyaan Dadka san qada ka faruuran oo ka kala yimid deegaanada puntland Gobalad dhexe iyo koofurta soomaaliya .

Wasiirka wasaarada caafimaadka Dowlada puntland Pro:cali cabdulaahi warsame oo ka ku hadlayay Afka xumaada iyo kiisa ayaa waxaa uu sheegay in aysan ahayn markii ugu Horay Ee dhakhaatiirtaani ay howllo khaliimo ah ay ku sameeyan Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe waxuuna ugu mahad celiayay sida ay ugu soo gurmadeen dhakhaatiirtaani walaalahooda dhibaataysnaa

Cali cabdulaahi Warsame ayaa waxaa sidoo kale sheegay in ay khaliimada ay ahaayeen kuwo Aad u adag oo ay ka faa’iidaystaan Dad Tiradooda ay gaarayso Afar boqol oo qof waxuuna sheegay in ay tahay tiradii ugu bad nayd ee soomaaliya laga fuliyo ugu dambaytii wasiirka ayaa sheegay in ay howshaani ay ka faa’iidaysteen Umadda soomaaliyeed gaar ahaan Dadka khaliinka caafimaad loo  sameeyay .

Madashii lagu sagootinayay dhakhaatiirta ayaa waxaa sidoo kale ka hadalay Gudoomiyaha gobolka Nuugaal:Cabdi xirisi Cali ayaa sheegay in ay Aad ugu faraxsan yihiin dadka reer puntland iyo madaxdooduba howsha Aad qabateen waxuuna sheegay in Fadhigaan maanta ay yeesheen uu ahaa mahad celin Aan Idiin sameynay uu yiri’cabdi xirsi gudoomiyaha gobolka nuugaal Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yirdhi’ waxaan Rajaynaynaa in Aad nagu soo noqontoontaan oo wixii Noo dhimana Aad noo dhamaystiri doontaan Ugu dambayntii waxuu hadalkiisa ku soo Gabagabeeyay In ay Abaal uhayaan Dhakhaatiirta oo ka Timid Dalka dibadiisa Gaar ahaan Dalalka soomaliya Dariska la ah .

Xaflada oo Aad u balaarnayd ayaa waxaan dhinicii madaxada waxaa soo gunaanuday Deqa Degmada garoowe :Cabdi caziiz  Nuur cilmi ayaa sidoo kale mahad celiayay waxuuna xusay inay caaweyeen caruurta walaalahood ah  waxuuna sheegay in ay qabteen howl Aad loogu baahnaa.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Dhakhaatiirtii mahad celinta maanta loo sameeyay kuna guulaystay Howsha waxtarkeeda leh ee Ugar gaaray  walaalahooda dadka bishiimada ka faruuuran ah ayaa Dr:Onguti ayaa sheegay in ay wasaarada caafimaadka iyo Howlwadeenada  Isbitaalka guud ee garoowe ugu mahad celinyaan sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen waxuuna sheegay Dr:Onguti uu sheegay in aysan Ahayn markii ugu Horaysay oo ay ka fuliyaan howllo khaliin ah .

Ma ahan markii Ugu Ee Dhakhaatiir ka soctay wadamada Dibadiisa ay Puntlandka ka fuliyaan Qaliino caafimaad Hayeeshee sandakii aynu soo Dhaafnay ayay ahayd markii Howlwadeeno dhakhaatiir ah oo u dhashay Dalka Turkiga ay howllo khaliino Dadka faruuran ah ay ka sameeyeen Magaalooyinka Gaalkacayo,Boosaaso iyo Garoowe kuwaasi oo ay ka faa’iidaysteenka Dadka ka faruuran Bishimada.

Filo Sawiro…..

Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (Cabdi caziiz Okey)
SBC International Garoowe