Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ka dambeysay weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday habeen nimadii xalay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warsaxaafadeed uu ku sixiixnaa afhayeenka Wasaaradda Amniga ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa lagu sheegay in ciidanka Nisa ay weerarkaasi qaadeen, iyagoo weerarka la eegtay fariisimo ay leeyihiin xoogaga Alshabaab.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay warkan ka soobaxay wasaaradda arimaha Amniga soomaaliya in ay si nabad ah dib ugu soo laabteen wasaarada ciidankii fuliyay weerarkaas .

Magaalada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo ayaa waxa xalay laga maqlay jug culus oo cirka ugaga timid magalada iyadoo weerarkaasi dadka ay ku qadareen in ay ka dambeeyeen diyaaradaha dalalka shisheeye laga leeyahay balse wasaaradda Amniga Soomaaliya aya sheegatay in ay ka dambeysay.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Muqdisho ku diyaariyay wariye Xasan Maxamed Samatar Cowke.