Wasiirka xanaanada xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in dhulka miyiga ah ay u direen dhaqaatirta xoolaha si ay dadka xoolo dhaqatada ah ugu so daaweeyaan xoolaha.

Waxaa uu  Tilmaamaay wasiirku dhakhaatiirta ay direen ay ka kooban yihiin  toban kooxood  isla markaana ay gaarayaan meelo ka tirsan gobolada Nugaal ,Bari ,Karkaar ,Mudug ,Sool ,Haylaan ayna daawayn doonan xoolo tiradoodu gaarayso 5000 kun neef daawayntaasi oo ay ka caawinayso hayada  ICRC iyadoona daawayntaasi ay socon doonto mudo bil ah.

Dhanka kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradiisu sanadka soo socda ay awood u yeelan doonto in ay keensato sheybaaro awood u leh in lagu baaro dhamaan cudurada xoolaha ku dhaca  uuna tababar u socdo shaqaalihii ka shaqayn lahaa.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxwaynaha Puntland  uu xariga ka jaray mashruuc lagu talaalayo xoola gaaraya hal milyan  kuwaasi oo laga talaalay cuduro kala duwan oo xoolaha soo wajaha.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe