Wasaarada Xanaanada Xoolah ee Dowlada Puntland oo kaashanaysa Hay’ada dhanka xanaada xoolaha  ee SAHASPA ayaa maanta siwada jir ah duleedka magaalada Garoowe ugu gubay daawo ay Sheegeen dhakhaatiirta xanaada xooluhu inay  Ahayd mid isticmaal ahaan dhacaday.

Dr.C/salaan oo ka mid ah guddiga sare ee dhakhaatiirta xanaada xoolaha ee Puntland ayaa saxaafada usheegay inay daawadaan ay maanta gubayaan ay ahayd mid dhacaday isla mar ahaantaana ay ka Soo uruuriyeen qaybaha kala gadisan ee Magaalada Garoowe ayna tahay mid ku dayasho mudan ayna ku guulaysteen soo  uruurinteeda iyagooo kaashanaya Hay’ada SAHASPA .

Guddiga sare ee dhakhaatiirta xanaanada xoolaha  ee Puntland ayaa sidoo  kale sheegay in Dawooyinkaan ay maanta gubeen ay ka soo uruuriyeen qaar ka mid ah goobaha qashinka lagu  uruuriyo  taasi oo Aysheegeen inay dhibaato u keeni karto Caafimaadka guud ee bulshada iyo deegaanka guud ahaanba sidoo kale guddigu  waxay uga digeen dhammaanba cid kasta oo keenta daawo inay ilaaliyaan Caafimaadka bulshada iyo deegaankaba loona baahanyahay in lagubo daawada noocaan Oo kale ah sidoo kalna ay dabagal ku  samayn doonaan ha’ada keentay iyo isticmaalaysay intabatallaabada ku Habboona laga qaadi  doono.

Dr.C/salaan ayaa mar  uu ka hadlayay saamayta  ay yeelankarto daawooyinka noocaan oo kale ah ee aan la gayn goobaha ku haboon waxaa uu sheegay in laga qaadi karo cudurada isga kala gudba dadka iyo duunyada isl mar ahaantaana noqon Kara kuwo aan daawadooda la helin isagoona xusay inay iska kaashan doonaan sidii loo xakamayn lahaa arrintaan guddiga sare ee dhakhaatiirta dadka taasina Aytahay midda kaliya ee lagga badbaadi karo arrinkaani.

Hay’ada SAHASPA ayaa ka qayb qaadatay soo uruurinta Daawadaan iyo gubideedaba iyadoona sidoo kale Hay’adaaasi a y gacanta ku hayso gudddiga saree ee dhakhaatiirta xoolaha ee Puntland tanina Waxa ay kamid  tahay  dadaalada lagu Poonayoin lagu  Horumario Caafimaadka guud ee Xoolaha iyo waliba tan bini’aadamkaba iyo  in dadku ay la qabsadaan gubidda daawooyinka dhacay.









Yusuf maxamed maxamuud{yusuf yare}

SBC International Garoowe