wasaarada xanaanada xoolaha Puntland   oo kaashanaysa mashruuca caafimaadka xoolaha ka shaqaysa ee SAHSP ayaa tiimam caafimaad u dirtay howd iyo nugaasha fog ee gobolka nugaal kuwaas  oo xoolaha ka dawayn doona cuduro ay ka mid yihiin  uhda   furuqa iyo caalka kuwaas lagu sheegay sahano horay wasaaradu ugu samaysay meelaha ay u direen tiimamka caafimaadka

Sida uu idaacada sbc u sheegay wasiir ku xigeenka wasaarada xaanada xoolaha punland nuur axmed yuusuf  oo sheegay in ay horay koox dhakhaatiir ah oo sahan ku soo samaysay ugu direen howdka iyo nugaasha fog ee gobolka nugaal halkaas oo ay ku soo arkeen cudurada xooluhu qabaan ka dibna ay direen daawo iyo dhakhaatir soo daweeya xoolaha jiran

DR maxmed cqaadir oo ah xiriiriyaha  mashruuca dareelka caafimaadka xoolaha somaaliyed SAHSP  oo wasarada gacan ka siinaysa daawaynta xoolaha ayaa sharaxaya waxyaalaha ay wasaarada ka caawiyaaan  waxaana uu yiri

Mashruuca SAHSP wuxuu ka caawiyaa wasaarada dhanka technical ka iyo maaliyadeed labadaba waxaa ugu muhiimsan waxyaabaha uu qabtay kuwan hoos ku qoran:

Horumarinta shaybaarka  xanaanada xoolaha ee galkacyo isagaa u shaqaaleeyey sadex qof oo shaybaarka  ka shaqeeya ku waas oo baara cudurrada xoolaha iyo 4 qof oo ka shaqeeya daba galka iyo raadinta cudurada xoolaha waxu dhima yareeyana wax soo saarkooda kooxdan  oo baxa bila kastaba si ay uga war keenaan xaalada cafimaad ee xooalaha,

Horumarinta wax qabadka guddiga dhakhaatiirta xoolaha si ay uga qayb qaataan kontaroolida wax qabadka iyo naxaaneynta xoolaha iyo sidoo kale kontroolida daawooyinka iyo cuntada waddanka soo galaya si looga hor tago isticmaalida dawo dhacday ama aan tayo laheyn.

Sidoo kale gudigan wuxuu ilaaliyaa dadka xanaanada xoolaha  ka shaqeeya, shahaadooyinkooda iyo liis gareentooda.

Baarintaanada cudurrada xoolaha ku dhaca  oo hoos u dhiga wax soo saarka xolaha iyo uruurinta xogaha  la xiriirta cafimaadka xoolaha.

Wacyi galinta bulshada si ay uga qeyb qaataan la dagalanka cudurrada xoolaha
Cudurada ay labadan kooxood soo saari doonaan waxaa ka mid ah kuwan:
Sanbabka ariga
Sanbabka lo’da
Cabeebka
Furuqa geela iyo ariga
Uhda
Dhiciska
Jadeecada
Iygoo war bixin ku saabsan u soo gudbin doona wasaarada xananada xoolaha si ay mar walbab wasaaradu u ogaato xaalada caafimaad ee xoolaha uguna diyaar garoowdo wax ka qabadka cudurada ku badan wadanka.

DAAWO SAWIRADA


Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe