Wasaarada Waxbarashada ee Puntland iyo Hay’ada Caalamigaah ee kala Shaqeeya Dhanka Waxbarashad ayaa waxa ay kulan Dheer oo loogaga Hadlayay sidii Loo Horu marin laha Waxbarashada Puntland ku qabteen Hoolka Shirarka ee wasaarada waxbarashada puntland .

Kulan kan ayaa lagaga Hadlay Mashaaruuca Hirgalinta Waxbrashada ee Sanadka cusub 2012 iyo sidoo kale Qiimayn iyo u kuurgalid Xaalada haatan ay marayso  isbadalka Waxbarasho ee Puntland.

Kulankaani ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda Wasaarada Waxbarashada Puntland oo uu ugu Horreeyo Wasiirka Waxbarshada iyo Madax ka socotay Hay’adaha Caalamiga ah ee kala Shaqeeya Wasaaradaasi Dhanka Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada ee Puntladn C/siciid Faaraxa  {Juxaa} oo Shirkaasi si Rasmi ah u furay ayaa Sheegay in Shirkaani uu noqonayo kii ugu Horreeyey ee Noociisa oo Kale ah ee ka Furma Magaalada Garoowe loogana hadli Doona arriamah Waxbarashda iyo in la kala Qaato Warbixinada la xiriira Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashad ayaa Sidoo kale Sheegay mar uu ka hadlayay dhanka dhismayaasha waxbarashada in loo Baahanyahay in Cid kasta oo  wax Dhisaysa Marka ay noqota Dhanka Waxbarashada loo Baahanyahay inay Soo marto Wasarada Waxbarashada Puntland si ay ugu fasaxaan ayna ka soo saareen Sharci.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka Dhawajiyay inay jiraan Shaqaale ay soo Tababarato Wasaarada Waxbarashada Puntland kadibna ay ka Qaataan Hay’ada iyo Ururo Caalamiga ah tasina ay inay ka Soosaareen Sharci Qofka Kawareegaya Wasaarada.

Wasaarada Waxbarashada ee Puntland  ayaa Sanadadii ugu Danabysay waday olole Ballaaran oo lagu Horrumarinayo Waxbarashada Puntland iyo in la Mideeyo Hay’adaha ka Shaqeeya Dhanka Waxbarashada Puntland iyadoona Wasaaradu ku Guulaysatay Midaynta Manaahijta Dugsiyada sare ee Deegaanda Puntland iyo Madbacad si Fiican u Shaqaysa oo soo saarta Buugaagta iyo Dhammaanba Baahiyaha Daabacadeed .

Daawo Sawiro



Yusuf Maxamed Maxamuud{Yusuf Yare}
SBC International- Garoowe