Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe xarunta puntland ku soo bandhigtay natiijooyinka imtaxaamadkii dugsiyada sare ee ay sanadkan qaaday.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada  Puntland Jaamac Yaasiin iyo xubno kale oo howlwadeeno ka ah wasaarada waxbarashaada ayaa kulan saxaafadeed ku shaaciyay maanta natiijooyinkaasi iyo inta arday ee baastay, iyo  iskooladooda,

Sanadkaan fariistay 2.316.arday-39-ardayna ma fariisan,imtixaanka guud ahaan waxaa ku baasay 2.199-arday,waxana gabdho ah 613-arday.baasiada wiilashana waa 1.586.guud ahaan waxaa imtixaanka ku dhacay 117-arday oo nasiibkood guusha u saamixin”  sidaasi waxaa saxaafada u sheegay wasiir ku sigeenka waxbarasahada Puntland.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo ay wariye Samiiro C/raxmaan ka diyaarisay .

Tobanka arday ee galay kaalinta hore ee natiijooyinka dugsiyada sare ayaa waxa ay kala ahaayeen

1. c/risaaq maxmed xaaji (imam shafici -bossaso) 91.71%
2. Haaruun Daahir cumar ( Gambool – Garowe) 91.36%
3. Axmed maxmud Cawil ( Ugaas yaasin – Bossaso) 91.21%
4.Yaxye maxmed maxmud (Alwaaxa – garowe) 90.43%
5.Ismaciil Kaatun maxmed yusuf( alnajaax – Bossaso) 90.36%
6. Siciid c/ladiif xaaji ( Gambool – Garowe) 90.14%
7. Xannaan C/lahi maxmed ( Gambool- Garowe) 89%
8.c/lahi cali c/lahi (Sheekh cusman- Qardho-) 89%
9.maxamud jamac c/risaq ( Bossaso public – Bossaso) 88.36%
10. Ismaciil siciid farax( Alfurqan- Badhan) 88.14%
 
Samiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe