Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo
shirjaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalda Garoowe ayaa dhaliiilay
habka wasaarada waxbarashada ee dowlada KMG ah ee Soomaaliya  ay u
maamushay deeqaha waxbarasho ee  caalamka laga helay gaar ahaan dalka
turkiga oo deeqo waxbarasho siiyey dalka soomaliya taasi oo uu sheegay
in aysan puntland ka helin saamigii ay lahayd xusayna in uu jiray
heshiis u dhaxeeyay Puntland iyo dowlada KMG ah ee Somaliya oo ku
aadana qaybsiga deeqaha waxbarasho.

Dhanka  kale wasiirku waxaa uu ka codsaday dowlada turkiga in ay si
cadaalad ah u qaybiso deeqaha waxbarasho oo ay gaarsiiso dhamaan
maamulada iyo gobolada Somaliya waxaana uu wasaarada waxbarashada ee
dowlada somaaliya ka codsaday in cadayso habka loo maamulay deeqaha
waxbarsho ee Somaliya hesho.

Cabashada wasaarada waxbarshada Puntland waxaa uu ku soo beegmayaa
xili arday badan oo reer Putnland oo ku guulaystay imtixaankii dowlada
turkigu ay kusugan yihiin maagalada muqdisho isla markaana aysan wali
helin waxbarshadii ay filayeen in ay u tagaan dalka turkiga  sidaadi
si lamid ahna waxaa iyana ku sugan magaalda Muqdisho arday ka soo
jeeda maamulka Somaliland oo iyana ilaa haatan kusugan magaalda
Muqdsiho muddooyinkii danbana muujinayay cabashooyin ku aadan
arrintaani.

Maxamed Siciid Yusuf
SBC International Garoowe