Wasaarada Waxbarasahada Puntland ayaa warsaxaafadeed ku shaacisay in Imtaxaamaad sanadeedka 2012-2013 ay ka bedeshay xiligii loo fariisan lahaa dibna loogu dhigay mudo todobaad ah.

Agaasimaha Wasaarada waxbarashada Puntland ayaa u sheegay saxafiyiin ka qeyb galay Shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta wasaarada ee magaalada Garoowe in ay soconayaan howlo ku aadan Diiwaan gelin lagu wado macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada deegaanada Puntland iyo Tirakoob lagu sameyndoono ardayda waxbarashada Puntalnd.

Agaasimaha waxa uu intaasi ku daray in waqtigii la qaban lahaa Imtaxaamaadkaas oo horay loogu iclaamiyay 5ta bisha shanaad ee nagu soo foolleh ay dib uga dhigeen 11ka bisha xiligaasna ay ogeysiinayaan guud ahaan dugsiyada waxbarashada deegaanada Puntland.

Dhageyso Warbixin warkan ku saabsan iyo wariye Samiiro C/raxmaanwarka imtixanadka ee wasarada wax barashada