DSC08365 (1)
Wasaarada Wax barashada Puntland ayaa manta dhagax dhigtay Dugsigii ugu horeeyay oo laga fulinayo mashruuc loogu talagalay in loogu kordhiyo dhismayaal dugsiyada Sare ee ku yaala degaanada Puntland.

Xaflad kooban oo lagu qabtay Dugisga Gambool ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta sar sare ee wasaarada Waxbarashada Puntland siiba wasiir ku xigeenka wasaarada Jaamac Yuusuf Jaamac, agaasimaha guud ee wasaarada iyo weliba Maamulka iskoolka .

Waxaa halkaasi lagu dhagax dhigay dhismayaasha lagu kordhinayo iskoolkan iyadoo sidoo kale la mari doono ku dhowad 20 iskool o mashruucan laga fulinayo

Waxaa halkaasi hadalo ka soo kala jeediyay masuuliyiintii ka qeyb galay siiba wasiir ku xigeenka isagoona sheegay in dhisida labatanka iskool ee dugsi sare ay horey u soo dhamaadeen oo loo soo dhisay 4 iskool ,waxaanu rajo ka muujiyay in sanadkangudihiisa ay ku soo dhaman doonaan iskoolada haray ee laga hirgelinayo dhismayaasha lagu kordhinayo.

Warbixin arintaas ku saabsan dhageyso