Tababarkaan oo socondoona muddu saddex maalmood ah ayaa waxaa uu maanta ka furmay howlka shiraarka dugsiga sare ee ganbool ee magaalada garoowe kaasi oo ufurmay Ardayda wax ka barta dusiga sare ee ganbool gaar ahaa aradayda dugsiga sare galaaska afaraad

Tababarka oo ay soo qaban qaabisay wasaarada waxbarashada dowlada Puntland  ayaa waxaa ay tabarayaasha ku barandoonaan inta uu socdo tababarka hormarinta afka Soomaaliga  murtida iyo dhaqan ka Soomaaliyeedda

Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa oo goobjoog ka ahaa furitaan kii tababarka ayaa waxaa uu sheegay in tababar ka uu mihiimad Gaar ah u leeyahay  ardayda islamarkaana loo baahan yahay inta uu socodo tababar ka in ay ka faa’iidaystaan ardayda cabdi faarax juxa wasiirka waxbarashada puntlad ayaa in taasi ku daray in maanta ay tahay maalin aad u muhiim ah afka dhaqan ka iyo murtida oo uu sheegay in tababar ka uu bixinayo qoraaga Soomaaliyeed ee Dr Maxamed Daahir Afarax waxuuna wasiirka  ardayda kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan qoraaga Soomaaliyeed oo ay waxka way diiyaan murtida dhaqanka iyo afka inta  uu socdo isminaarka lagu baranayo afka Soomaaliga murtidiisa iyo dhaqanka Soomaalida

Sidoo kale qoraaga Soomaaliyeed ee Maxamed Daahir Afarax oo isagana ka hadlay madasha uu ardayda tababarka ugu furmay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay wada kulmaan maskaxda soo korayso iyo aqoonyahanada maanta in ay wadda kulmaan oo ay kala faa’iidaystaan sidoo kale qoraaga ayaa u sheegay aradayada in uu waddo ama uu sido buug magaciisa la yiraahdo hal abuur oo sheegay in uu ka kooban yahay dhaqan side iyo aqooside ku soo baxa afka Soomaaliga iyo ingiriiska kaasi uu soo saaray sanadkii  1993dii waxuuna sheegay in xaruntiisa ay tahay landon iyo DJabouti hadana uu sheegay in dhawaan la soo gaar siiyay garoowe waxuuna kula dardaarmay aradayda in ay ka faa’iidaystaan

Tababarayaasha oo aad ula dhacsanaa qabiirka ku xeeldheer qorida  afka iyo dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa ay ahayeen ardayda kuwo aad u la dhacsanaa cashirada uu bixinayay qoraaga Soomaaliyeed ee Dr:Maxamed Daahir Afarax

Waa markii ugu horaysay ee tababar lagu baranayo afka dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed oo ay soo agaasito wasaarada waxbarashada dowlada Puntland  uu ka qabsoomo xarunta dugsiaga sare ee Ganbool ee magaalada Garoowe.

C/Casiis Okey
SBC International Garoowe