Kulankan oo ay ka qayb galeen xubno ka mid ah golaha wasiirada Puntland hayado calami ah madaxda jaamacada iyo marti sharafkale waxaa dib loogu eegayey qorshe wasaarada waxbarashadu doonayso in ku tayeyso waxbarashada farsamada gacanta isla markaana lagu midooyo dugsiyada lagu barto xirfadaha farsamada gacan ee deeganada Puntland

Agaasimaha waxda farasamada gacanta iyo mashaariicada ee wasaarada waxbarashada Maxamed Cali Faarax oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in qorshan looga goleeyahay sidii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinayrada baratay farsamada gacanta isla markaana kor loogu qaadilahaa xirfadaha ay barteen waxaana uu sheegay qorshan oo ah habraaca.

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbrashada Puntland Maxamed Cabdi wahaab Axmed ayaa dhankiisa shegay in dadaalka ku aadan barnaamijkan lagu tayeynayo waxbarashada gacanta uu yahay mid la doonayo in laysku xiro dugsiyada farsadada gacanta ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ah si loo tayeeyo xirfadaha ardayda ka soo baxaya dugsiyada farsamada gacan waxaana uu xusay in arday badan hada ay barteen farsamada gacanta isla markaana ay soo saareen wax yaabo muhiim ah isagoona tusaale u soo qaatay dugsiga farsamada gacan gaalkacyo oo uu sheegay in soo bandhigeen baabur ay gacantooda ku sameeyen oo shaqaynaya tv iyo idaacada maxali ah isla markaan barashada fasamada gacantu ay leedahay faaido faro badan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada ah sii haya xilka wasiirka waxbarashada Puntland Yaasiin Jaamac Yaasiin ayaa dhankiisa sheegay in wasaarada waxbarashadu dadaal ugu jirto hormarinta waxbrashada si bulshadu aqoonta ugu hormarto waxaana uu yiri yoolka ay higsanayso wasaarada waxbarashadu waa in ay bulshada ka hormariyaan dhanka aqoonta si loo helo bulsho aqoon ku hormatay.

Wasiirudowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashan ayaa sheegay in burburkii Somaliya uu saameyey waxbarashada hase ahaatee Puntland ay dadaal xoogan ugu jirto soo calinta wabarashada farasamada gacan iyo guud ahaan tayeynta waxbarashada taasi oo sheegay in fududaynayso in shaqo loo abuuro dhaliyarada aan xirafadaha ay ku shaqaystaan lahayn.

Sanadihii u dambeeyey Puntland waxaa ka socday dadal loogu jiro dhalinayarada dhalinyarada xirfado iyo shaqooyin loogu abuuro si looga weeciyey tahriibta iyo Burcad badeeda iyadoona dugsiyada farasamada gacanta ay ka soo baxeeen dhalinyaro badan oo ku shaqaysta xirfadihii ay barteen.

Sawiro