Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Puntland C/raxmaan Warsame, agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada ee dakhliga Cismaan Buux, iyo agaasimaha waaxda furdooyinka wasaarada maaliyada Jaamac Axmed Faarax ayaa booqasho ku tagay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Safarka ay Masuuliyiintani ku tageen garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso waa mid ay ugu kuurgalayeen sida howlaha uga socdaan garoonka, iyagoona halkaasi warbixin kaga qaatay madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka.

Waxaa ka dib kala warqaadasho halkasi ka hadlay oo mahad uga celiyay sida wanaagsan ee ay howsha u wadaan masuuliyiinta Garoonka iyo kuwa hay’adaha wasiir ku xigeenka, waxaanu islamarkaana ku booriyay isku xirnaan iyo weliba wadashaqeyn .

Sidoo kale wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kormeeray xafiisyada canshuuraha beriga oo uu ku adkeeyay in ay dar dar geliyaan howlaha ay ku hayaan dhanka canshuuraadka, waxaanu sidoo kale kormeeray xafiiska wasaarada maaliyada oo uu kula dardaarmay ilaalinta saacadaha shaqada iyo weliba habsami u socodka howlaha maamulka Wasaarada .

SBC International News Desk