Kulankan ayaa waxa uu ahaa mid ay Wasaarada Maaliyada Puntland ay kaga war bixinysay kor u qaadida daqliga Dalka gar ahaan Gaadiidka .

Waxaana ka war bixiyay arimahaas Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo isagu ugu horaytii mahad aan la koobi Karin u jeediyay  madaxda  ugu saraysa wasaarada maaliyada iyo dhamaan shaqaalaheeda ,

Intaa kadib wax uu sheegay in arimah ku aadan kor u qaadida dhanka Dakhliga Gaadiidka ay tahay mid horamar u ah dalka iyo dadkaba isagoo xusay in ay faa,ido u tahay qof walba oo leh gaadiid uu leeyahay in uu six or ah ku mari karo dalkoo dhan haduu uu u shar ciyasan yahay

Waxaa kaloo uu sheegay in Magaalada boosaaso ay hada ka socoto hawshaas oo uu sheegay in ay tahay mid loogu talagay in lagu diwaan galiyo gaadiidka bariga ee magaalada isagoo xusay inaysan boosaaso oo kaliya ka socon oo ay ka socoto hawshan dhamaan magaalooyinka puntland

Wasiir Ku Xigeenka  Maaliyada Puntland ayaa wax uu sheegay in Sanadkii (2010) la qaatay barnaamij lagu diwaan galinayo dhamaan  Gaadiidka Dalka nooc walbuu yahay iyo cid kastoo leh lagu ogaanayo isagoo sheegay in loogu talo galay in looga faa.idaysto dhanka canshuuraadka  isagoo sheegay in arinkaa uu noqday mid aan gaarin heerkii loo bahnaa  markay qiimayeen hayadah arinkaa qaabilsan

Isagoo sheegay in intaa kadib ay qaateen barnaamij lagu dardar galinayo kaas oo ay ka bilaabeen Magaalada Garoowe waxaana uu xusay in qof walba oo gaadiidkiisa canshuurta uu helayo aqoonsi buuxa uu gaarigiisu leeyahab

Cabdi Ibraahim Warsame Wasiir ku xigeenka Maaliyada ayaa wax uu dhamaan bulshada Puntland ugu baaqay inay isdiwaan galiyaan si ay u helaan aqoonsi  waxaana uu sheegay in qof walba uu xaq u leeyahay inuu helo lanbar kiisa iyo sumadiisu is waafaqsantahay

Ugu dabatyii ayaa wax uu sheegay in Istiikarka aysan dadku fahan sanayn mahiimada ay ku fadhido lakin ay tahay tan ugu qaalisan dhanka gaadiidka dadkan looga baahan yahay inay tagaan goobah isdiwaan galiyaan isagoo xusay in goobah canshuuraadka la kordhin doono

Si kastaba ha ahaatee barnaamijkan ayaa wax uu noqonayaa mid wax tar u yeelan doon bulshada puntland ku dhaqan haday ahan lahayd dhanka amniga ama dhaqaalaha.

Sawiro



Axmed Nuune
SBC International Boosaso