Shir Saxaafadeed uu manta Xafiiska Boosaaso ku qabtay Wasiirka Kalumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Eng Maxamed Faaarax ayaa uu kaga warbxiyay Wararkii ugu danbeeyaay ee Dabeylaha ka jira Deegaanada Ku yaala Badweynta india oo ay horey culimaada Saadaashu u sheegeen inay jiri Doonan Dabeylo iyo roobab is wata oo saameyn deegaanada kulaala xeebaha.

Wasiir Maxamed Faaarax waxaa uu sheegay in Xeebaha Puntland ay ku degtay Dooni Ganacsi oo ku socotay Dekada Magaalada Muqdisho inkasta oo aan faahfaahin buuxda weli laga helin Doontaas Degtay.

Waxa uu sheegay in iminka ay hayaan xaqiiqada ina y doontu degtay ayna soo caariyeen agabkii saarnaa qaarkood oo keliya,balse aan jirin xaqiiqooyinka halkii ay ku dambeeyeen dadkii saarnaa.

Eng Maxamed Faarax waxaa uu digniin markale u diray Dhamaan Gadiiidka Safarada aada ee Baadda kuwa Kaluumeysiga iyo Shacabka Degan Daahafaha Xeebaha Badaha Hindiya iyo badda Cas inay ka fogaadaan Meel kasta oo khatar ka soo gaaari karrto

Geesta kale qaar ka mid ah Kalumeystada Xeebaha Puntland ayaan u dhaqaaqin Xaga Xeebta tan iyo inta ay soo baaxday Digniintan ku wajahan Baadaha iyagaa ooo kaa taaxadaraaya in aay dhibaaato kaa soo gaaarto Dhinaca Baadda

Deegaanada kuyaaala Xeebbaha ee puntland waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’aayaay roobaab iyo Dabeeylo qabow inskata oo aaanay jirin Khatar weyn oo xeebaahaasi ka jirtta hadana dadka Deegaaanadaas ayaa ah kuwo Feejigan.